HomeWarbaahin laga leeyahay Israel oo Bisaylka Dowladnimo ee Somaliland u bandhigay Caalamka

Warbaahin laga leeyahay Israel oo Bisaylka Dowladnimo ee Somaliland u bandhigay Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Telefishan laga leeyahay dalka Israa’iil, ayaa warbixin uu baahiyey 20-kii bishan December 2021 kaga warramay xasiloonida, guulaha iyo horumarka ay gaadhay Somaliland, tan iyo markii ay xornimadeeda la soo noqotay, waxaanu ku qiimeeyey mid kamida dalalka ugu nabdoon guud ahaan qaarada Afrika.

Warbaahinta I24News.tv oo ah maqal-iyo-Muuqaal Baahiye xaruntiisu tahay caasimadda Tel Aviv, ayaa warbixinta ku sheegay inay Somaliland leedahay nidaam dawladdeed oo dhamaystiran, lacag u gaar ah, Ciidan iyo hay’addo madax-bannaan oo maxalli ah, si joogto ahna ay u qabato Doorashooyin dimuquraadi ah oo dhif iyo naadir ku ah gobolka ay ka tirsan tahay.

blank“Somaliland waxa ay ka mid tahay gobolada ugu nabdoon qaarada Afrika” ayuu ku bilaabay Telefishanku warbixintiisa oo uu ku sheegay inay aqoonsi la’aanta iyo go’doonka siyaasaddeed ee caalamiga ah u sabab noqdeen inay noqoto dalka ugu saboolsan adduunka.

“Somaliland oo ah dal madaxbanaan oo ku yaala Geeska Afrika, ayaa inta badan beesha caalamku u aqoonsan tahay inay ka tirsan tahay dalka ku yaala bariga Afrika ee Somaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay weli ku taamaysa inay caalamka ku qanciso qadiyadeeda dawladnimo tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanida May 1991” ayuu i24NEWS ku beyaamiyey warbixintiisa oo ku qornayd luuqada Ingiriisiga, soona turjumay Wargeyska Dawan, isagoo ku sifeeyey khalad weyn oo aan la sii eeggan karin inay muddada intaas le’eeg dunidu go’aan ka gaadhi wayday qadiyada aqoonsiga Somaliland.

Warbaahintu waxay intaa raacisay, “Somaliland waxay leedahay dawlad, ciidan, machadyo madax-bannaan, lacag u gaar ah, waana mid ka mid ah meelaha (Dalalka) ugu nabadda badan qaaradda Afrika. waxay weli tahay mid ka mid ah gobollada ugu saboolsan koonka.

Aqoonsi la’aantu waxay ka sii daraysaa xaaladaha, sababay gelitaanka rarka shisheeye, gargaarka, iyo maalgashiga” ayaa lagu iftiimiyey warbixinta oo Salaasadii uu baahiyey telefishanka i24news.tv

Farqiqa u dhexeeya doorashooyinka Somaliland iyo Soomaaliya ayey far waaweyn ku qeexday I24, waxaanay sheegeen inuu yahay fowdada ku gedaaman doorashooyinka maamulka Muqdisho iyo daah-furnaanta dimuquraadiyada Jamhuuriyadda Somaliland “Iyada oo ay taasi jirto, Somaliland oo in ka badan 99 boqolkiiba dadka deggan ay Muslimiin yihiin – waxay qabataa doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah, kana foggaata fowdada ku habsata ee ka jirta jaarkeeda Soomaaliya”

Warbaahintu waxay sheegtay in Shacbiga Somaliland weli quluubtooda aanay ka tirtirmin dhibaatooyinkii ay u geysteen Ciidamadii ka amar qaadanayey maamulkii Siyaad Barre, wakhtigii uu socday halgankii dib u xoraynta dalku “Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn Geeska Afrika marka laga reebo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana dadka deegaanku ay weli xusuustaan dhibaatooyinkii ay kala kulmeen ​​halgankii ay kula jireen maamulkii Soomaaliya xilligii uu socday dhaqdhaqaaqii ay madaxbanaanideeda kula soo noqotay”

“Waxa jiray dulmi badan oo ka imaanayay Soomaaliya… Somaliland waxay rabtay inay ka baxdo midowga,” ayay Salma Axmed Sheekh u sheegtay i24NEWS.

“Wuxuu ahaa halgan wayn oo ay ku dhinteen kumannaan qof, markii ay Somaliland u suurtagashay in ay dib u soo ceshato madaxbanaanideeda. Waxaan u baahannahay horumarinta waddooyinka kaabayaasha dhaqaalaha, buundooyinka, caafimaadka, waxbarashada, iyo shaqo abuurka dhalinyarada,” ayey mar kale u sheegtay Salma Sheekh I24NEWS.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories