HomeWarbaahinta Dunida Oo Ka Digtay in Kooxo Xagjir ah oo ka faa'idaysanaya...

Warbaahinta Dunida Oo Ka Digtay in Kooxo Xagjir ah oo ka faa’idaysanaya Dagaalka Ethiopia Saamayn Ku Yeeshaan Somaliland Iyo Djibouti

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Addis Ababa (SLpost)- Wargeyska Journal Courier oo laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa War-bixin ka qoray dagaallada ka socda dalka Itoobiya, kuwaasi oo u dhexeeya Ciidammada Dawladda Federaalka ah iyo Jabhadda Qoomiyadda Tigreega ee TPLF.

Wargeyska, ayaa Sawir khatar badan ka bixiyey sida dagaallada u dhexeeya TPLF iyo Ciidammada Dawladda Itoobiya u dhibaataynayaan dadka iyo dalka Itoobiya isla-markaana dhibaatooyinka Colaaddaa ka dhashaa u saamaynayaan amniga Mandaqadda Geeska Afrika.

blankWuxuu sheegay in Jabhadda TPLF oo gacan ka helaysa Jabhado ta Oromadu ka mid tahay ay kulaalayaan Caasimadda Addis Ababa oo ay doonayaan inay awood kula wareegaan, balse haddii taasi dhacdo ay xaaladdu noqon karto mid aan la saadaalin karin, inkasta oo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu baaq nabadeed u diray labada dhinac, kaasi oo aan la ogayn In wax ka fuli doonaan iyo In kale.

Wargeyska Journal Courier wuxuu War-bixintiisa diiradda ku saaray sida colaadda Itoobiya u saamayn karto Dalalka Geeska Afrika ee nabdoon, sida Jabuuti iyo Somaliland.

Wuxuu sheegay in nabadda ka jirta labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti ay soo jiidan karto kooxaha Argagixisada ah ee doonaya Maxaabiista dagaal ee baxsadka ah iyo dadka kale ee ka soo cararraya colaadda Itoobiya, si ay uga faa’idaystaan “Gobollada Nabdoon ee Geeska, sida Jabuuti iyo Somaliland, waxay soo jiidan karaan argagixisada doonaysa maxaabiista dagaalka..” ayuu qoray Wargeyska Journal Courier.

Waxa kale oo uu tilmaamay In dagaallo sokeeye oo ka abuurma dagaalka TPLF iyo Ciidammada Itoobiya ay uga sii dari karaan xasillooni-darrada ka jirta Suudaan oo lafteeda ay hadda ka taagan tahay is-maandhaaf u dhexeeya dadka u ololeeya dimuqraadiyadda iyo militariga.

Dhanka kale, Itoobiya lafteeda, dagaal sokeeye oo dhan walba ah ayuu Wargeysku sheegay inuu noqon ku noqon karo masiibo, taasoo sii hurin karta xiisad ka dhalata Itoobiya oo ka kooban illaa 80 Qoomiyadood.

Xigasho: Geeska Afrika Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories