HomeWarbaahin Caalami ah oo Soo bandhigtay Ujeeddada Safarkii Taliyaha Ciidanka Maraykanku ku...

Warbaahin Caalami ah oo Soo bandhigtay Ujeeddada Safarkii Taliyaha Ciidanka Maraykanku ku Yimi Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Ujeedada Washington waxay noqon kartaa in ay aqoonsi caalami ah siiso Somaliland si ay ugu beddeshaan saldhigga milatari ee Maraykanku ka samaysanayo dhulkooda” – Voltaire Network

Paris (SLpost)- Wakaaladda Wararka Voltaire Network oo si joogto ah loogu baahiyo wararka iyo  warbixinaha Caalamka oo ka kooban 17 Luqadood, ayaa warbixin kooban ka diyaarisay Socdaal uu toddobaadkan Somaliland ku yimi Taliyaha Hawl-galka Ciidamada Maraykanka ee Afrika.

blankTaliyaha Ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) Jeneral Stephen Townsend oo ay weheliyaan saraakiil kale iyo Safiirka Maraykanka, ayaa Khamiistii Socdaal ku yimi Somaliland, waxaanay kulan la qaateen madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada iyo taliyeyaasha ciidamada Qaranka, ka hor intii aanay socdaal indho-indhayn ah ku tagin Gegida Diyaaradaha iyo Dekedda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay natiijada kulanka dhexmaray weftiga Maraykanka, ayaa sheegay in qodobbada ugu muhiimsan ee uu kala hadlay tahay xoojinta xidhiidhka labada waddan iyo iskaashiga dhinaca amniga.

Haddaba, wakaaladda wararka ee Voltaire Network oo xarunteedu tahay dalka Faransiiska, ayaa warbixinta ay ka qortay socdaalka Sarkaalka ugu Sarreeya Ciidamada Maraykanka ee Afrika ku tilmaamay qorshe Maraykanku ku doonayo inuu Saldhigga Milatari ee Berbera ku doorsado Aqoonsi Caalami ah oo Somaliland hesho.

Waxa warbixinta lagu sheegay in Jeneraal Stephen Townsend uu qorshaynayo sidii uu qaaradda Afrika ugu rari lahaa Taliska Guud ee hawl-galka AFRICOM oo xilligan xaruntiisu ku taallo dalka Jarmalka, taasina ay tahay sababta Marayanku u danaynayo Saldhigga Milatari ee Berbera.

Ciidammada Maraykanka ayaa saldhigyo Milatari ku leh dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ka mid ah dalalka AFrika ee xidhiidhka Dhaqaale ka dhexeeyo Dalweynaha Shiinaha.

blank“Taliyaha AfriCom General Stephen Townsend weli kuma guuleysan in uu Taliska ciidamadiisa u wareejiyo qaarada Afrika maadaama oo xilligan xaruntoodu tahay Jarmalka. Taas awgeed, waxa uu si qarsoodi ah uga soo muuqday Somaliland xilli uu ku guda-jiray safarkii uu ku soo maray Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya,” sidaas ayaa lagu yidhi warbixinta oo intaas ku dartay in qorshaha Maraykanku ka leeyahay saldhigga Milatari ee Berbera yahay qorshe siyaasadeed oo salka ku haya dano siyaasadeed oo labada waddan is-dhaafsadaan.

“Ujeedada Washington waxay noqon kartaa in ay aqoonsi caalami ah siiso Somaliland si ay ugu beddeshaan saldhigga milatari ee Maraykanku ka samaysanayo dhulkooda,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay qortay wakaaladda wararka ee  ‎Voltaire Network.

Isbahaysiga Reer Galbeedka ee Maraykanku hoggaamiyo oo cabsi xooggan ka qaba saamaynta uu Shiinuhu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika, ayaa danaynaya inuu saldhig Milatari ka samaysto Garoonka diyaaradaha ee Berbera oo dib-u-casriyeyn lagu sameeyey.

Xiisaha Maraykanku u qabo saldhig Milatari oo uu ka samaysto garoonka diyaaradaha ee Berbera, ayaa sababtay in dowladda Maraykanku marti-qaad u fidisay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo badhtamaha bishii March ee sannadkan socdaal ku tagay magaalada Washington ee Xarunta dalka Maraykanka, waxaanu weftigu kulamo kala duwan la qaatay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka, waxaanay labada dowladood kala saxeexdeen heshiisyo iskaashi oo dhexmara labada waddan.

Mooshinno Sharci oo ay soo saareen Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal Baarlamaan ee Maraykanka, ayaa loogu soo jeediyey xukuumadda Washington inay aqoonsi buuxa siiso Somaliland si looga hortago saamaynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Dalka Shiinuhu ku yeeshay mandaqadda Geeska Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories