HomeWarbaahin Caalami ah oo soo bandhigtay Guulaha Somaliland ka gaadhay Siyaasadda Arrimaha...

Warbaahin Caalami ah oo soo bandhigtay Guulaha Somaliland ka gaadhay Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Dowladnimada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- International Policy Digest oo ah warbaahin fadhigeedu yahay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, isla markaana lagu falan-qeeyo siyaasadda Arrimaha Dibadda dalalka Caalamka, ayaa Salaasaddii shalay baahisay warbixin si qoto-dheer uga faalloonaysa geeddi-socodka horumarka dowladnimo ee Somaliland, Guulo ay ka gaadheen dhinaca dibloomasiyadda iyo dedaallada dibloomasiyadeed ee ay ugu jirto sidii ay qaddiyadda madax-bannaanida ku gaadhsiin lahayd caalamka.

Warbixintan oo uu qoray suxufi caan ah oo lagu magacaabo Maxwell Webb oo ku takhasusay Cilmiga Xidhiidhada Caalamiga ah iyo Xalinta khilaafaadka, waxa uu sheegay in Somaliland xilligan u muuqato mid u diyaarsan, hubkeedana u sidata sidii ay beesha caalamka cadaadis ugu saari lahayd aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho. Waxa uu ka markhaati kacay in Somaliland ka midho-dhalisay hirgelinta shuruud kasta oo haykalka dowladnimo leeyahay, caalamkuna iska indho-tiray dedaalkeeda aqoonsi-raadiska.

blank“Taasi waxay ka dhigtay waddan xasiloon, balse go’doosan oo aan cod ku lahayn fagaareyaasha caalamka. xilligan la joogo, Somaliland oo ka faa’idaysanaysa hab-maamulkeeda-dowladimo iyo hirgelinta nidaam dimoqraadiyadeed ee guulaystay, waxay ku lamaanaysay siyaasad arrimo-dibadeed oo xeeladaysan iyadoo ka faa’iideysanaysa loolanka istaraatajiyeed ee ka socda mandaqadda Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Haddii lagu guulaysan doono iyo in kale weli ma cadda, laakiin waxa fursadaha guusheeda kor u qaadi kara Qaddiyaddeeda oo ay xoojiso, hanashada saaxiibo cusub oo awood badan iyo Qalalaasaha ka jira dalalka deriskeeda,” Sidaa ayaa lagu sheegay warbixinta lagu daabacay Wargeyska International Policy Digest oo uu qoray suxufi Maxwell Webb

Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland oo 1991-kii ka baxday midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay samaysatay dowlad madax-bannaan oo jiritaankeedu ka fac-weyn yahay muddadii ay midnimada Soomaaliya ku jirtay, isla markaana in badan oo dadkeeda ahi aanay Garanayn ama aqoonsanayn wax aan ahayn dalkooda Somaliland oo ay ku garaadsadeen.

Suxufi Maxwell Webb oo dhawaan socdaal ku yimi Somaliland, waxa kale oo uu warbixintiisa ku yidhi, “Dareenka Aqoonsiga waddaniyadda ee muwaadiniinta Somaliland waa mid sugan oo qoto-dheer oo ujeeddadiisu tahay xaqiijinta madax-bannaani dalkoodu helo taasoo u muuqata mid sidii hore ka xooggan. Xataa haddii aanay madax-bannaanidooda, ma muuqato suurto-galnimo ah inay dib ula midoobayaan Soomaaliya.”

Waxa warbixinta lagu qaadaa dhigay sida ay Somaliland xilligan ugu bislaatay iibgeynta qadiyadda madax-banaanideeda ee beesha caalamka iyadoo ka faa’idaysanaysa fursadaha dhaqan-dhaqaale iyo xafiiltanka ka dhexeeya quwadaha dunida iyo awoodaha isku-garbinaya siyaasadda mandaqadda Geeska Afrika. Warbixintu waxay xustay in Somaliland ku taallo bogcad istaraataji ah oo muhiimad weyn ugu fadhida isu-socodka ganacsiga caalamka iyo xafiiltanka istraatajiyeed ee waddamada gobolka iyo quwadaha caalamka.

Bog cusub iyo istaatarjiyad hor leh oo Somaliland uga gudubtay horumarinta siyaasadeeda arrimaha Dibadda, ayaa warbixinta lagu sheegay inay horseed ka noqotay guulo wax-ku-ool ah oo albaabada u furay xidhiidho dibloomaasiyeed oo ay la yeelatay waddamo ka tirsan caalamka, iyadoo ka faa’idaysanaysa khilaafaad siyaasadeed oo jira.

Waxa guulaha dibloomasiyeed ee Somaliland ka midho-dhalisay tusaale loogu soo qaatay xidhiidhada dibloomaasiyeed iyo Ganacsi ee ka dhashay loolanka u dhexeeya dalalka Shiinaha iyo Taiwan, Xurgufta ka dhaxaysa Ethiopia iyo Masar iyo ismaan-dhaafka Somalia iyo Kenya, kuwaas oo sida warbixinta lagu xusay loolanka ka dheexeya ay Somaliland uga faa’idaysatay xoojinta iyo ballaadhinta danaheeda siyaasadeed ee Arrimaha Dibadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories