HomeWarasi Laga Qaaday Oday Dhaqameed Juudaan Qaaday iyo Dhibkuu Bulshada Kala Kulmay

Warasi Laga Qaaday Oday Dhaqameed Juudaan Qaaday iyo Dhibkuu Bulshada Kala Kulmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho(SLpost)-Inkastoo markaan garaadsaday oo wax bartey aan ogaadey in Xanuunka Juudaanka uu yahay Xanuun ka mid ah Xanuunada Dunida ka jira lana daweyn karo, hadana Yaraanteydii aad baa laygu Cabsiin jirey, weliba marka la gaaro habeenkii ayaa nala oron jirey “Hayey Xaafadda Juudaanley ayaa soo gashey” markiiba hal haleel ayaa guri u geli jirey, Xitaa Cabsidaas nagama dhamaan jirey ilaa aan gama’no

Ilaa iyo Xiligaan weli Dhaqankaas waa jiraa oo sidii baa Caruurta loogu Cabsi geliyaa, mar aan sii dheereeyn waxaa Magaalada Muqdisho soo gashey war sheegaya in dad qaba Juudaanka ay Ilmo ku Cuneen Degmooyin ka tirsan Magaaladda , markii warkaas la sii daba galeyna waxaa uu noqdey mid aan waxba ka jirin oo sal iyo raad toona lahayn .

Waxaa maanta aan Fursad u heley in aan Wareysto qof Xanuunka Juudaanka qaba waxaa kula kulmey Xaflad Bulshada looga wacyi gelnayo Xanuunkaas (Leprosy) kaasoo muddo la Xanuunsanaa hase yeeshee markii uu qaatey Daawada Cudurkaas ayuu soo fiyoobaadey waxaana uu u dhacay Wareysigii aan la yeesheey Mustaf Shiikh Cabdi Sidantan

Su’aal:Goorma ayuu Xanuunka Juudaanka ku haleeley ?

Jawaab:Xanuunkaa Juudaanka waxaan qabaa Muddo Lix sano ah, markii hore ma garaneyn Xanuunka I haya hase yeeshee muddo markaan joogey ayaan Gadaal ka ogaadey

Su’aal:sidee Xaalkaadu ahaa inta aan la ogaan Xanuunka ku haya “

Jawaab:Waxaan Dareemey Xanuun Joogto ah markii dambe Dhaqtarka ayaa u tagey ka dib Baaritaan igu sameeyey halkaas baan ku ogaadey iyadoo isla waqtigaas la ii bilaabey Daawadii

Su’aal: Bulshadii aad la nooleyd maxaad kala kulantey?

Jawaab: Walaal markii hore Nabadoon baan ahaa markii Xanuunkaas la igu sheegey dadkii waa I faquuqeen oo aad baan u murugoodey oo waxaan waayey qof ii naxariista, Xitaa dadkii ii dhawaa ee aan ehelka ahayn way iga tageen oo faquuq aad u weyn baa la igu sameeyey , mararka qaar waxay dadka I dhihi jiraan” Juudaanleey” ereygaas markaan maqlo aad baan u dhifsan jirey “

Su’aal:Markii laguu bilaabey Daawada maxaa isbedel ah oo aad Dareentey?

Jawaab:Runtii markii Daawada la ii bilaabey, waxaan dareemey in aan boqgsanayo oo aan soo roonaayo, waxaa dhacay in dadkii Nabadoonka aan u ahaa ay ii soo laabteen loona sheegey in Xanuunka uu yahay mid ka mid Xanunada dadka ku dhaca Daawana uu leeyahay , waxaa ii bilowdey Farxad iyo Rayn rayn, dadkiina waa I soo dhaweeyaan,runtii inta aan Daawada la ii bilaabin jirkeyga qaybo ka mid ah Nabaro ayaa ku yiiley waad u jeedaa maanta waa iga bogsadeen Raadkii ay reebeen baa iga muuqda

Su’aal:Maxaa ku talineysaa oo aad Bulshada u sheegeysaa ?

 Jawaab: Waxaan Bulshada u sheegayaa in Xanuunkaan uu ilaah keeno lana mid yahay Xanuunada la daweyn karo, sidoo kale dadka qaar weli Aaminsan in Dadka qaba Xanuunkaan Juudaanka ay dadka Cunaan waxaan u sheegayaa in arrintaas ay tahay mid Quraafaad ah, aniga maanta waxaan la noolahay dadkeyga waliba waxaan ahay Nabadoon si weyn looga yaqaan degaanka aan ka soo jeedo ee Mareereey
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories