HomeWararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha ka dhashay hawl-gal ay Boolisku saaka ku...

Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha ka dhashay hawl-gal ay Boolisku saaka ku waabariisteen Shacab xoog lagaga saaray Guryihii ay ku jireen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost) Ciidamada Booliska Somaliland oo garab  iyo guubaabo laxaad leh ka helaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolka Maroodi jeex iyo dawladda hoose ayaa saaka hiirtii waabari xoog ku soo galay xaafadda Jajabka oo ku taala dhabarka dambe ee wasaaradda Caafimaadka.

Inta la og yahay hal qof ayaa ku dhintay, dhawr kalena waxa ka soo gadhay  dhaawacyo, ka dib markii ay rasaas laxaad leh ooda kaga qaadeen ciidamada Boolisku dadka rayidka ah ee iyagu degan xaafadaas.

Badibii guryihii ay ku jireen dadka rayidka ahi ayaa dhulka lala simay, kuwaas oo ay burburintooda si laxaad leh ugu hawlanayd Cagaf-cagaf ay leedahay dawladda hoose.

blankMaxamed Iid oo ah aabaha dhalay wiilka saaka lagu dilay xaafadaas oo warbaahinta la hadlayay ka dib geerida ayaa sheegay in ciidamadda booliska oo garabka ka helay maamulka caasimaddu ay ku waa bariisteen xafadooda, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Saaka ayaa wiil aan dhalay lagu dilay isaga oo hor taagan gurigooda, qoladdan dhagaxaanta tuur tuuraysa iyo waxana muu ahayn, dabadeedna nin gaaban oo qori sita ayaa kala daba cararay oo ku dhuftay”

Wuu sii watay hadalkiisana waxaanu yidhi “Meeshan cid lagaga raray iyo dad la siiyay ogeysiis midnaba ma jirto, laakiin ciidamo ayuun baa saaka soo galay, waxaa nala balamay wasiirada caafimaadka iyo arrimaha gudaha ilaa haddana ma hayno oo noomay iman,  laakiin mayorka oo wata ciidamo tiro badan ayuun baa noo yimid” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale hooyo magaceeda ku soo koobtay Aamina oo u waramaysay warbaahinta, ayaa sheegtay in guryihii ay ku jireen aan loo aabo yeelin isla markaana ay burburiyeen “Ma garayno sida ay xukuumaddu saaka noola dhaqan tahay, isreal ayaan walaahi ula dhaqmin Falastiiniyiinta, ma waxa aad aragteen guri inta cagaf xagga dambe laga geliyay wixii ku jiray lagu duminayo” ayay tidhi.

Way sii wadatay, hadalkeedana waxaanay dhayda ka cadaysay in gurigii ay ku jirtay oo ay hanti badani ay u dhex taalay aanay waxba ka qaadan balse cagaf la geliyay “Cagaftaas aad hadda arkaysaan ayaa la geliyay, keliya waxa nalagu yidhi waxa aad kala soo baxdaan caruurta, laakiin intii kale waa lagu dumiyay” ayay tidhi.

Iska hor imaadka xukuumadda iyo shacabka ayaa noqonaya markii saddexaad ee sanadkan ay la kulanto xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana dhawaan sidan oo kale ay shaqaaqo uga dhacday xaafadaha shacabka iyo Goljano, kuwaas oo lagu raray dad degan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories