HomeWararkii ugu dambeeyey ee Dagaal Maanta ka dhacay deegaamada Buuhoodle, iyo Xukuumadda...

Wararkii ugu dambeeyey ee Dagaal Maanta ka dhacay deegaamada Buuhoodle, iyo Xukuumadda oo ka hadashay Khasaaraha Dagaalka iyo sida uu ku bilaabmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 25 January, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Buuhoodle kaas oo malleeshiyada nabad-diidka Buuhoodle weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada Qaranka ee ku sugan aaggaas, isla markaana shaaciyey khasaaraha ay u geysteen malleeshiyadaas weerarka ku soo qaaday ciidamada Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Faysal Cali Sheekh oo caawa shir-jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay in abaaro 3:30 galabnimo ee maanta weerar lagu soo qaaday ciidamada Qaranka isla markaana dhirbaaxo kulul lagu qaabilay maalleeshiyadii duullaanka ku soo qaadday ciidanka, firxadkoodiina la gaadhsiiyey ilaa magaalada Buuhoodle.

“Dagaalku wuxuu bilaabmay 3:30-kii waxaanu joogsaday makhribnimadii Caawa. Waxa ciidanka Qaranka ee jiidda Buuhoodle soo weeraray malleeshiyo ay wataan kooxda fidmo-wadayaasha ah ee dhawaanahanba ku shirayey deegaanka Taleex,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Warfaafintu, isaga oo hadalkiisa raaciyey, “Ciidanka Qaranku waxay malleeshiyadii weerarka soo qaadday gaadhsiiyeen khasaare culus oo ciidanka qaranku ku baacsadeen ilaa magaalada,” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Agaasimaha Warfaafintu waxa uu ka gaabsaday inuu xuso khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay ciidanka qaranka isaga oo sheegay inay gadaal ka soo sheegi doonaan wixii khasaare ah ee jira.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in cusbitaalka magaaladaas la geeyey meydadka 7 maleeshiyo-beeleed iyo dhaawaca 5 kale in kasta oo wakhtiga dagaalku joogsaday oo habeen noqotay awgeed aan la heli Karin maydadka iyo dhaawacyada maleeshiyo-beeleedka.

Dhanka ciidanka Qaranka ilaa hadda lama shaacin tirada dhabta ah ee Dhimashada iyo Dhaawaca, haddana sida ay wararku sheegayaan, waxa weerarkaas gaadmada ah ku dhintay laba Askari oo saarnaa mid ka mid ah baabuurta Saadka ee Ciidanka oo Malleeshiyadu gacanta ku dhigtay kaas oo ay ula baxsadeen dhanka magaalada Buuhoodle.

Dagaalka ka dhacay duleedka degmada Buuhoodle ayaa ku soo beegmay wakhti maanta ay booqasho ku tageen magaaladaas wakhti culus oo ka socda xubno qawlaysato ah oo dhawaan maamul-goboleed kaga dhawaaqay magaalada Taleex ee gobolka Sool kuwaas oo iyaga oo wata maleeshiyo-beeleedyo ku hubaysan noocyada kala duwan ee hubka, dhuumaalaysi ku galay magaalada Buuhoodle.

Maaha markii ugu horreysay ee Malleeshiyo-beeleedka nabadiidka ah ee Buuhoodle ay weerar gaadmo ah ku soo qaadaan ciidamada qaranka Somaliland balse waxa jiray tirada dhowr jeer oo ciidanka weerarro gaadmo ah lagu soo qaado dabadeedna ay malleeshiyadu u baxsato oo ay gabbood ka dhigtaan dadka shacabka ah.

 SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories