HomeWararkii ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo ka dhacay Kismaayo iyo Faahfaahinta Cidda...

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo ka dhacay Kismaayo iyo Faahfaahinta Cidda uu Dhexmaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ciidamoKismaayo  (SLpost)- Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa maanta duhurnimadii Bilaabmay xaafadda Afmadow oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda hoose ee Dalkaasi Soomaaliya.

Sida ay sheegeen wararka laga helay deegaamadas ee Wakaaladaha Caalamku baahiyeen, dagaalkaas oo socday muddo saacad ah ayaa la sheegay inuu u dhexeeyey ciidamada Jabhaddii Raaskambooni ee hadda taageersan Axmed Madoobe iyo maleeshiyo beeleed taageersan siyaasiga Iftiin Xasan Baasto oo labadooduba sheeganaya inay yihiin Madaxweynayaasha maamulka Jubaland dalkaasi Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganaysa goob-joogayaal ku sugan magaaladaas, dagaalka waxa uu saameeyey xaafado ka tirsan magaalada iyada oo ay ku dhinteen ilaa todoba qof shacab ah oo haweenay caano iibineysay ku jirtay, lamana oga khasaaraha kala gaadhay labada dhinac.

Iftiin Xasan Xasan Baasto oo caawa la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa sheegay in weerarkaas isaga lagu soo qaaday, kana dambeeyeen Ciidamada taabacsan Axmed Madoobe oo sida uu sheegay doonayey inay isaga qafaashaan.  “Barqadii mar ay aheyd ayaa anigoo ka imi gurigeyga, joogana albaabka hore ee Hotel Cascaseey si aan u booqdo madaxda dowlada ee hotelkaas degan, ayaa waxaa weerar igu soo qaaday maleeshiyada Raaskambooni oo doonayey inay i qafaashaan, wey i hareereeyeen hase ahaatee rag ilaaladeyda ka tirsan ayaa iga difaacay, dagaalkuna sidaas ayuu ku bilowday,” ayuu yidhi Iftiin Xasan Baasto, waxaanu intaas ku daray, “Markii aan gurigeyga ku laabtay ayaa waxaa iga daba yimi saraakiil ka tirsan Raaskambooni oo doonayey iney iga raalli geliyaan wixii dhacay, hase ahaatee intii ay ila joogeen ciidamo kale oo Raaskambooni ka tirsan oo soo qaatay gaadiid dagaal ayaa guriga igu soo weeraray, waana la iska difaacay.”

Mar la weydiiyey khasaaraha ilaaladiisa ka soo gaadhay dagaalkaas iyo cidda rasmiga ah ee amaanka magaalada gacanta ku heysa, waxa uu sheegay in hal Askari isaga dhankiisa ka dhimatay, dhinaca ka soo horjeedayna aanu sheegi Karin khasaaraha gaadhay, isagoo xusay in amaanka Kismaayo aanay jirin cid gaar ah oo loogu soo hagaago, magaaladana ay tahay mid kala qeybsan.

Waa markii ugu horeysay ee uu dagaal dhexmarao qaar ka mid ah siyaasiyiinta wada sheeganaya inay yihiin madaxweyayaasha Jubaland ee ku wada sugan magaalada Kismaayo, mana jiro war ku saabsan dagaalkan oo ka soo baxay dhinaca Axmed Madoobe, haseyeeshee waxa la sheegay in xaaladda ammaan ee magaaladu degtay markii lagu soo rogay bandow, haseyeeshe ay jiraan Xiisado mar kale horseedi kara dagaal ka qarxa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories