HomeWararkii u dambeeyey xaaladda magaalada Buuhoodle oo Cakiran iyo Dedaallada Madax-dhaqameed ku...

Wararkii u dambeeyey xaaladda magaalada Buuhoodle oo Cakiran iyo Dedaallada Madax-dhaqameed ku qul-qulaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Buuuhoodle ee Xarunta Gobolkaasi, ayaa waxa habeen hore lagu dilay Nin la sheegay inuu ahaa Ganacsade, halka nin kalena lagu dhaawacay.

Dilka Ganacsadaha ayaa waxa dhashay Is-rasaasayn dhex martay labada Beelood oo halkaasi wada dega, kuwaasi oo midkood uu ka soo jeedo labada Beelood ee Maleeshiyaadkoodu gudaha Buuhoodle isku Rasaaseeyeen.

blankLabada Beelood ee Maleeshiyaadkoodu isku rasaaseeyeen Gudaha Magaalada Buuhoodle, ayaa dhawaan la heshiisiiyey isla-markaana nabad qaatay, hase-yeeshee dilka loo geystay Ganacsadaha ayaa mar kale xaaladda ka dhigay mid cakiran.

Xildhibaan Cabdihakiin Faarax Budeeye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay dilka Ganacsatada iyo Xaaladda Buuhoodle, waxaanu yidhi “Xalay waxa Magaalada Buuhoodle lagu dilay Nin Ganacsade ahaa Ilaahay ha u naxariisto, Xabaddaa ninka Ganacsada ahaa lagu riday Nin kale ayay u tagtay oo dhaawac ah, isagana waxaan leeyahay ha u boogo dhayo.”

Xildhibaanku wuxuu baaq u diray Shacabka ku dhaqan Buuhoodle “Reer Buuhoodle xaaladdoodu ma wanaagsana ee Caqligu ha taliyo, Shalay baynu Warbaahinta ka daawanayney iyadoo nabad la qaatay, Dadkana waa dad walaalo ah oo wada dhashay oo Magaalada Wada deggan, Dadkana in xun baa ku jirta, Ilaahay ha innaga qabto Dadka inta xun ee marka Nabad la xidhaba wax samaynaysa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Gacan ku dhiiglaha hala soo qabto ooh ala dilo..”

Dhinaca kale, Waxa Magaalada Buuhoodle ku qulqulaya Madax-dhaqameed ka kala imanaya deegaannada Gobolka Sool iyo degaannada hoos yimaadda Buuhoodle, si ay gacan uga geystaan dejinta Xaaladda Buuhoodle.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories