HomeWararkii u dambeeyey Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo Socdaal ku jooga...

Wararkii u dambeeyey Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo Socdaal ku jooga Masar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay dalka Masar, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku maray Mashaariic horumarineed oo dhismahoodu ka socdo Marin-biyoodka Suweyz, waxaana kormeerka indho-indhaynta ah ku wehelinayey Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Masar.

blankSocdaalka weftiga Somaliland ee dalka Masar, ayaa qayb ka ah sii xoojinta xidhiidhka labada waddan iyo sidii dowladda Masar mashaariic horumarineed oo dhinacyada waxbarashada, beeraha iyo xoolaha nool ah uga caawin lahayd Somaliland.

Safarka Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda JSL xilligan ku jooga dalkaas, ayaa daba-socda dhamaystirka heshiisyo laysku af-gartay shir laba geesood ah oo dhexmaray masuuliyiin ka tirsan labada dowladood, kaddib markii ay magaalada Hargeysa soo gaadheen wefti ballaadhan oo dowladda Masar u soo dirtay Somaliland.

Weftigaas ayaa Bishii July ee sannadkii 2020-kii ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa ay kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan wasaaraha Arrimaha dibadda, Waxbarashada, Xannaanaha Xoolaha iyo Kalluumaysiga, waxaanay labada dhinac isku af-garteen sidii dowladda Masar mashaariic horumarineed uga samayn lahayd Somaliland.

Muddadii uu xilka hayay madaxweyne Muuse Biixi, waa markii labaad ee uu Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibaddu socdaal ku tago dalka Masar, waxaana ka horeeyey socdaal uu bishii March ee sannadkii 2019-kii ku tagay magaalada Qaahir ee caasimadda dalkaas, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay madax ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar iyo qaar ka mid ah saraakiisha milatariga ee dalkaas.

blankBishii May sannadkii 2019, waxa Somaliland soo gaadhay wefti uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka Arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda khaarajiga ee dalka Masar Hamdi Loza iyo wefti uu hoggaaminayo, waxaana qasriga madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo kulan ballaadhan la qaatay weftiga reer Masar.

Labada wefti ee dowladda Masar u soo kala dirtay Somaliland sannadihii 2019-kii iyo 2020-kii, waxa ka horeeyey socdaal uu bishii February 2018-kii magaalada Hargeysa ku yimi wefti uu hoggaaminayey Safiirka dalka Masar u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, Bishii April 2016-kii waxa Somaliland safar shaqo ku yimi wefti ballaadhan oo ka socday dowladda Masar oo uu hoggaaminayey Wasiir ku-xigeen Arrimaha Dibadda ee Dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo saraakiil Milatari. Xukuumadda Somaliland iyo weftiga Masar ayaa xilligaas isku af-gartay soo-celinta xidhiidh soo jireen ah oo u dhaxayn jiray labada waddan, isla markaana wada-jir uga wada-shaqayn lahaayeen dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

Socdaalka xilligaas Weftiga Masar ku yimaaddeen Somaliland, ayaa horseeday in wefti ka socda xukuumadda Somaliland safar ugu baxaan magaalada Qaahira bishii August 2016-kii, waxaana weftigaas horkacayey Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, Dr Sacad Cali Shire oo xilligan ah wasiirka Horumarinta Maaliyadda.

Xidhiidhka u furmay labada waddan iyo weftiga Somaliland ee wakhtigan ku sugan dalka Masar, ayaa ku soo beegmaya xilli ay meel xaasaasi ah marayso khilaaf siyaasadeed u dhexeeya Masar iyo dalka Ethiopia oo xidhiidh dibloomaasiyadeed iyo mid ganacsi ka dhexeeya Somaliland.

Khilaafka labada waddan ayaa salka ku haya biyo-xidheenka ugu weyn qaaradda Afrika oo Ethiopia ka hirgelisay biyaha Nile-ka Buluugga ah ka bilaabma gudaha dalka Ethiopa, kaas oo isha ugu weyn ee ay ka soo bur-qadaan Biyaha Webiga Nile oo udub-dhexaad u ah nolosha shacabka dalka Masar iyo Suudaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories