HomeWararkii u dambeeyey Weerarro iyo Qaraxyo Kooxda Al-Shabab ka fulisay magaalada Nairobi

Wararkii u dambeeyey Weerarro iyo Qaraxyo Kooxda Al-Shabab ka fulisay magaalada Nairobi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Weerarro ku bilowday Qaraxyo xoggan, ayaa maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana weerarradan lagu qaaday dhismeyaal isugu jira Hoteelo iyo Xafiisyo ku yaala badhtamaha magaaladaas.

Weerarrada oo ahaa qaar qorsheysan waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Waxa weeraran ka dhashay dhaawacyo kala soo duwan oo soo gaadhay dad shacab ah.

weerarka kenyaSida ay sheegeen ciidamada Ammaanka Kenya, weerarrada waxa fuliyey Rag hubeysan oo watay laba gaadhi, waxaanay gudaha u galeen dhismayaasha la weeraray oo uu ka mid yahay dhismaha Hoteel lagu magacaabo Dusit.

Dableyda hubaysan ayaa ugu horeyn qaraxyo ku weeraray qeybta gaadiidka la dhigto ee Hotel Dusit kahor inta aanay gudaha u galin hotelka, iyagoo rasaas oodda kaga qaaday ilaaladii Hotelka. Dhismaha Hotelka ayaa ka kooban qeybo xafiisyo ah iyo qeybo kale oo la seexdo.

wararIsla markiiba waxa goobta soo gaadhay Ciidamada kala duwan ee Kenya oo isugu jira Booliska, xoogagga ka hortagga argagixisada iyo Ciidamada u carbisan qaraxyada. Ciidamada ayaa isla markiiba go’doomiyey dhismaha iyagoo wali ay gudaha kujiraan ragga weerarka geystay.

Goob-joogayaal ku sugnaa Hotelka ayaa Wakaaladda wararka AFP u sheegay inay arkeen Lix nin oo hubaysan oo iyagu Hotelka soo galay.

Saraakiisha booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soconayaan howlgallo kooxahaasi looga saarayo dhismaha, isla markaana ay jiraan dhaawacyo iyo khasaare kale oo weerarka ka dhashay.

Taliyaha Booliska Nairobi Philip Ndolo ayaa sheegey in ay go’odoomiyeen deegaanka Riverside Drive oo Hotelku ku yaallo, iyadoo la xakamaynayo Boos iyo Dhac loo geystay Meherado goobta ku yaalla weerarka kaddib.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories