HomeWararkii u dambeeyey Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Jabuuti iyo Kulan dhexmaray Ismaaciil...

Wararkii u dambeeyey Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Jabuuti iyo Kulan dhexmaray Ismaaciil Cumar Geelle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar kedis ah ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo gelinkii dambe ee maanta uu gaadhay, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada ku qaabiley.

blankSida lagu sheegay war kooban oo warbaahinta Dowladda laga sii daayey, waxa ay labada madaxweyne kulanka kaga wada hadleen qodobbo la xidhiidha danaha labada dal, siyaasadda iyo ammaanka mandaqadda, kor u qaadista is-dhaafsiga waxyaabaha muhiimka u ah kaabeyaasha bulshada, sida Biyaha, Beeraha iyo horumarinta Xoollaha.

blankKulanka labada madaxweyne waxa ku wehelinayey wasiirrada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti, mudane Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti oo ay wehelinayeen labada safiir ee Somaliland iyo Jabuuti u kala fadhiya labada dal, Mudane Cabdifataax Siciid Axmed iyo mudane Xuseen Cumar Kawaaliye.

Sida lagu sheegay war ay warbaahinta dowladdu baahisay, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa ayaa muddo dhowr maalmood ah ku sugnaan doona magaalada Jabuuti.

Halkan ka daawo madaxweynaha Jabuuti oo maanta lagu soo dhaweeyey Jabuuti

 

Safarrada Madaxweyne Biixi ee Jabuuti iyo Xilligan

Madaxweyne Biixi ayaa maanta markii Shanaad socdaal ugu baxay dalka Jabuuti muddo Saddex sanno-ku-dhawaad ah oo uu talada dalka hayey.

Socdaalka madaxweyne Biixi ku tagay Jabuuti, ayaa ku soo beegmay laba maalmood kaddib markii dalkaas lagu soo gebo-gabeeyey shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaaddeen madaxda dalalka IGAD oo gunaanadkii shirka war-murtiyeed ay soo saareen uu ku jiray qodob lagu dhiirri-gelinayo sii anba-qaadista wada-hadallada Somaliland iyo Somalia, iyadoo sidoo kale loogu mahad-celiyey dalalka hormuudka ka ah marti-gelinta wada-hadallada labada dhinac oo dalka Jabuuti ka mid yahay.

Wada-hadallo u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo madaxweynaha Jabuuti soo qaban-qaabiyey, ayaa bishii June ee sannadkan ku qabsoomay magaalada Jabuuti, halkaas oo ay ku kulmeen madaxweyneyaasha Somaliland iyo Somaliya, Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Kulankaas ayaa laga soo saaray in wada-xaajood ay sii wadi-doonaan Guddi wasiirro ah oo labada dowladood ka kala socda.

Socdaalka Madaxeyne Biixi maanta ugu baxay dalka Jabuuti, ayaa noqonaya kii labaad ee si rasmi ah marti-qaad uga helo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle  ee u dalkaas ku tago tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii 12-aad ee 2017-kii kaddib markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday November 2017-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa bishii January 2018-kii oo ku beegan dhowr toddobaad kaddib markii loo dhaariyey xilka madaxweynaha, waxa uu safarkiisii u horreeyey ku tagay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib uu marti-qaad ka helay madaxeyne Ismaaciil Cumar Geele oo soo-dhaweyn iyo qaabillaad meeqaam sare leh u sameeyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, madaxweyne Biixi ayaa laba jeer socdaal ku tagay dalka Jabuuti bilihii September iyo October ee sannadkii 2019-kii. Bishii September 2019-kii ayuu madaxweyne Biixi socdaal uu ku tagay dalka Jabuuti waxa uu ku soo indho-indheeyey Xarumaha Dhaqaalaha ee dalkaas oo Dekedda Jabuuti ku jirto.

Bishii October 2019-kii ayuu madaxweynuhu sidoo kale socdaal ku tagay dalka Jabuuti, iyadoo ujeeddada socdaalka madaxweynuhu ahayd inuu ka qayb-galo Aaska Maareeyihii Dekedaha Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories