HomeWararkii u dambeeyey Qarax Gilgilay Galkacyo iyo Magacyada Masuuliyiin ku dhintay

Wararkii u dambeeyey Qarax Gilgilay Galkacyo iyo Magacyada Masuuliyiin ku dhintay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ee Soomaaliya, waxaanu qaraxani sababay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxan oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey oo walxaha qarxa isku soo xidhay, waxa dadka ku geeriyooday ka mid ah masuuliyiin dowladeed oo intooda badan yihiin saraakiil Ciidan.

blankQaraxa ayaa gelinkii dambe ee Jimcaha maanta lala eegtay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalada Galkacyo, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay deegaamada maamul-goboeedka Galmudug.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay, waxaa ka mid ah: Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyiyihii Ciidamada danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan, Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali, Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Taliyaha ciidanka xoogga  Soomaaliya, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xaqiijiyey geerida saraakiisha, waxaana uu guud ahaan ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid saraakiisha iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay qaraxa.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Cali Yare Cali, oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebook-ga ayaa tacsi u diray eheladooda.

“Aniga oo ku hadlaya afka maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho waxaan tacsi u dirayaa maamulka Galmudug, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, qoysaskii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen walaalaheen ku dhintay qarixii Gaalkacyo, ka shaqsi ahaan waxaan tacsi u dirayaa labadeeydii saaxiib ee sida sawirkan ka muuqata Midig iyo Bidix ii ahaa muddadii aan ka shaqeynayay dhismihii Galmudug Sarreeye Guute Cabdicasiis C/laahi (Qooje Dagaari) iyo Gaashaanle sare Mukhtaar Cabdi Aadan iyo saraakiishii kale ee la dhimatay waxaana Alle uga baryayaa naxariistiisii Janno,” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka Banaadir.

Waxa kale oo uu sheegay, “Sidoo kale waxaan Tacsi gaar ah diyaarayaa Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey) oo ahaa halyeey taariikhdu ku xusi doonto kaalintiisii lama ilaabaanka aheyd ee uu ka qaatay Nabadeyntii walaalaha Gaalkacyo wada daga.”

Waxa uu baaq u diray dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Dowlada Federaalka waxaan ka codsanayaa in ay kaalmo deg deg ah la gaarto dadka walaalaheen ah ee reer Galkacyo”.

Qabanqaabada soo dhoweynta weftiga Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa deegaamo ka tirsan gobolka Mudug, ayaa halkaas ka socotay markii uu qaraxa dhacayay.

Dhowaan ayay ahayd markii uu qarax ka dhacay magaalada Galkacyo, kaas oo lala eegtay xarun dowladeed.

 

 

@BBC Somali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories