HomeWararkii u dambeeyey Kulanka Madaxweyneyaasha Somailand iyo Kenya, arrimo laga wada-hadlay iyo...

Wararkii u dambeeyey Kulanka Madaxweyneyaasha Somailand iyo Kenya, arrimo laga wada-hadlay iyo Ballanta kulanka Berri

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Nairobi (SLpost)- Dowladda Kenya, ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan laba geesood ah oo Isniinta maanta magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

blankMadaxweynaha Kenya, Uhurru Kenyatta oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo shalay gelinkii dambe ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, waxaana soo-dhaweyn iyo qaabilaad maamuuskeedu sarreeyo kaddib ay labada dhinac kulankooda kaga hadleen arrimo dhowr oo khuseeya danaha labada waddan.

blankSida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha dalkaas Kanze Dena Mararo, kulanka labada hoggaamiye, ayaa intii uu socday labada dooday arrimo khuseeya danaha labada waddan, waxaana maalinta Berri loo ballamay kulan ay mar kale wada-yeelaan doonaan madaxda Somaliland iyo Kenya.

War-saxafadeedka ka soo baxay madaxtooyada dalka Kenya, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha dalka mudane Uhuru kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku marti galiyay wadahadalo laba geesood ah oo u dhaxeeya Kenya iyo wefti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

blankIntii kulanku socday, waxay labada hoggaamiye bilaabeen doodo ku saabsan arrimo dhowr ah oo dan u ah labada waddan ee Kenya iyo Somaliland. Labada wefti ayaa lagu wadaa inay mar kale kulmaan berry oo taariikhdu tahay 15ka Decenver 2020 si loo dhammeeyo wada-hadallada.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Kenya.

In kasta oo aan faahfaahin laga bixin arrimaha ay labada hoggaamiye ka wada-hadleen, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya ka wada-hadlayaan xoojinta xidhiidhka labada waddan, gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, maalgeshiga iyo dibloomaasiyadda.

blankMadaxweyne Biixi iyo weftiga wasiirrada ah ee socdaalka ku weheliya, ayaa booqasho saddex maalmood ah ku ku gaadhay dalka Kenya gelinkii dambe ee Isniintii shalay, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories