HomeWararkii u dambeeyey ee Hawl-gal ay Ciidamada Qaranka Somaliland si rasmi ah...

Wararkii u dambeeyey ee Hawl-gal ay Ciidamada Qaranka Somaliland si rasmi ah ugula wareegeen Gacan-ku-haynta magaalada Taleex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

news1Hargeys (SLpost)- Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Taleex ee xarunta Degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland, halkaas oo ay hore ugu dagaallameen Puntland iyo Malleeshiyo-beeleedyo fadhigoodu ahaa magaaladaas.

Wararka laga helayo magaalada Taleex, ayaa sheegaya in Ciidanka Millateriga Somaliland, saaka la wareegeen gacan-ku-haynta Taleex, ka dib markii sida la sheegay ay ku awood-roonaadeen dagaal dhex-maray Maleeshiyaadka ka taliya deegaannadaas oo halkaas hore ugu sugnaa.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka Millateriga Somaliland kula wareeegay gacan ku haynta Taleex, hase-yeeshee, waxay wararku tibaaxayaan in is-abaabul dagaal ka socdo deegaannada Taleex iyo nawaaxigeeda, kaasoo la sheegay inay ku jiraan Malleeshiyaadka laga adkaaaday Ciidanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Magaalada Taleex ayaa loo qorshaynayay in lagu qabto Shirka Khaatumo 3, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Maamulkaas oo toddobaadkii hore gaadhay magaalada Buuhoodle, ka dib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalkaasi Soomaaliya, halkaasoo ay diyaarad ka soo raaceen Hoggaamiyaha Malleeshiyada Khaatumo Indho-sheel iyo Wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo Masuuliyiin kale oo dawladdaas xilal ka haya.

Socdaalka ay saraakiishaasi ku tageen degmada Buuhoodle, ayaa xukuumadda Somaliland ku cambaareysay dawladda Somaliya ee uu hoggaamiyaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamed oo ay ku eedaysay inay maleegayaan dagaallo hor leh oo ka dhex dilaaca gudaha Somaliland.

Wararka la xidhiidha socdaalka weftigaas, ayaa tibaaxay inay xukuumadda Soomaaliya taageero Milatari iyo mid maaliyadeed u ballan-qaadday Kooxda Khaatumo oo iyagu taageersan Dawladda Soomaaliya, iyaga oo taageero ku raadinaya samaysiga maamul-goboleed ay kula gor-gortaan Federaalka Somaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories