HomeWararkii u dambeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen oo la dilay...

Wararkii u dambeeyey Geerida Madaxweynihii hore ee Dalka Yemen oo la dilay (DAAWO VIDEO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SANCA (SLpost)- Wararka ka imanaya dalka Yemen, ayaa sheegay in la dilay madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax, kaddib dagaal kooxda Xuutiyiiyinta iyo malleeshiyaad uu hoggaamiyaa ku dhexmaray caasimadda Sanca.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya geeridiisa, haseyeeshee warkan ayaa laga baahiyey telefishanka ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay haystaan kooxda Xuutiyiinta

ali abdullah saleh deathMuuqaal aan la xaqiijin karin oo lagu baahiyey baraha bulshadu ku xidhiidho ee gudaha dalka Yemen, ayaa muujinaya meydka Cali Cabdalla Saleh oo koox malleeshiyo ahi ku sidaan buste, kuwaas oo ku dhawaaqayey Allahu Akbar.

Sida uu soo xigtay telefishanka AlCarabiya, waxa geerida Cali Cabdalla Sallah Xaqiijiyey warar laga helay Xisbiga GPC ee uu madaxda ahaa, kuwaas oo sheegay inuu maanta ku dhintay dagaal maalintii  lixaad ka socda caasimadda Sanca kaas oo ay ku dhinteen 125 qof halka 238 kalena ku dhaawacmeen, sida ay shaaciyeen  Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

Ilaa immika lama oga meel uu ku sugan yahay hoggaamiye Saalax oo aan muuqaal la arag tan iyo intii la baahiyey warka geeridiisa. Balse Gelinkii hore ee Isniinta maanta, xoogag ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ayaa burburiyey gurigiisa magaalada Sanca oo ay weerareen.

 

Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka looga tuuray kacdoon ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga.

Balse khilaaf siyaasadeed iyo muran dhanka maamulka ee masaajidka wayn ee ku yaalla meesha mucaaradka ay maamulaan ee Sanca ayaa sababay dagaal culus oo oo dhexmaray taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax iyo maleeshiyada Xuutiyiinta.

Sabtidii, Saalax wuxuu ku baaqay “in bog cusub la furo” oo uu taageerayo Mr Haadi, haddii isbeheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yaman iyo xannibaadda xun ee ay ku hayaan.

Isbeheysiga iyo dowladda Cabdurabah Mansuur Haadi ayaa soo dhoweeyay hadalkaasi. Balse, Xuutiyiinta waxay Saalax ku eedeeyeen in uu “afgembinayo” isbeheysi “uusan weligii aaminin”.

In ka badan 8,670 qof ayaa lagu dilay, 49,960 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka bilowday ka dib markii isbeheysiga Sacuudiga uu farageliyay Yaman sannadkii 2015-kii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Dagaalka iyo go’doominta ayaa sababay 20.7 milyan oo qof in ay si adag ugu baahdaan gargaar bini-aadamnimo. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay in ay tahay cunta la’aanta ugu xun Caalamka, waxaana ka dhashay daacuun dilay 2,211 qof, tan iyo bishii April.

DAAWO MUUQAALKA MEYDKA CALI CABDALLA SAALAX 

https://youtu.be/hEJ8q2zn6rI

Qayb ka mid ah Warkan waxaanu ka soo xigannay BBCsomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories