HomeWararkii u Dambeeyey ee Duullaanka Israel ku qaadday Gaza, Tirada Dhimashada Shacabka...

Wararkii u Dambeeyey ee Duullaanka Israel ku qaadday Gaza, Tirada Dhimashada Shacabka oo sii Kordhaysa iyo Askar Yuhuud ah oo la laayey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cairo (SLpost)- Waxa maalintii Afraad galay Hawl-gallada Milatari ee duqeynta iyo go’doominta Ciidamada Yuhuuddu ka fulinayaan Marinka Gaza ee dalka Falastiin, waxaana sii kordhaya tirada khasaaraha dhimashada ee Dadka Rayidka ah ka soo gaadhay Duqeyn aan loo aabbe yeelanayn oo lagu garaacayo dhowr magaalo oo ku yaala Marinka Gaza ee Kooxda Xamaas ka taliso.

Shalay oo kaliya, waxa dadka dhintay ka mid ah Qoys reer Falastiin ah oo siddeed qof ka kooban, kuwaas oo gurigooda lala beegsaday madaafiic ciidamada Dhulka ee Yuhuuddu ku garaaceen magalaada Gaza.

Taas oo tirada shacabka Falastiin ee ku dhintay madaafiicda Yuhuudda ilaa 8-dii bishan ka dhigaysa 342 Falastiiniyiin ah oo u badan dad shacab ah.

Israel_Gaza (2)Hay’adda Qaramada u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, ayaa sheegay inay 73 carruur reer Falastiin ahi ku dhinteen duqeymaha Israel.

Sidoo kale, Gantaalaha kooxda Xamaas ku ridayso gudaha Israel waxa shalay ku dhintay Qof Xoolo-dhaqato oo ku nool miyiga dalka Israel. Gantaalka ay ridday kooxda Xamaas ee sababay dhimashada Ninka Reer Miyiga waxa kale oo dhaawacyo ka soo gaadheen xubno qoyskiisa ka tirsan, sida ay sheegeen Booliska Yuhuudda,

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa la filayaa inuu socdaal ku gaadho gobolka si uu dhex-dhexaadin uga dhex-bilaabo Israel iyo Hamas.

Israel_Gaza (1)Ciidamada Israel ayaa weerarka Dhulka ah ku bilaabay Marinka Gaza 17-kii bishan, ka dib 10 maalmood ay duqeyn xagga Cirka ah ku wadeen Shacabka Falastiinihiinta, balse ay ku guul-darraysteen inay joojiyaan gantaalada Hamas ku ridaysay gudaha Israel.

Ilaa maalintii ay Yuhuuddu weerarka Dhulka ah ku bilowday Gaza, waxa ku dhintay dad shacab ah oo tiradooda lagu qiyaasay 60 qof

Todobaadkan gudihiisa duqeyn diyaaradaha Israel ka geysteen Masaajid ku yaala magaalada Khan Younis oo ku taala Koonfurta Marinka Gaza, waxaana halkaas ku dhintay todoba qof oo shacab ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha milatariga ee Israel, tan iyo maalintii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Yuhuudda iyo Hamas, waxa dagaalka ku dhintay saddex Askari iyo Laba Qof oo Shacabka Israel ah.

Saraakiisha hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Gaza, ayaa shaaca ka qaaday inay dagaallada ku bara-kaceen 50,000 oo shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan Marinka Gaza.

Dhinaca kale, magaalada Woqooyiga Israel ku taala ee Haifa, waxa ka dhacay bannaan-baxyo lid isku ah oo qaar lagu diiddan yahay, qaarna lagu taageerayo Duullaanka ciidamadoodu ku hayaan Gaza, iyada oo boqolaal Qof oo labada dhinacba taageerayaal ka qayb-qaateen bannaan-baxa.

Sida lagu baahiyey website ugu caansan ee lagu baahiyo wararka Israel ee Haaretz, magaalada Tel Aviv ee xarunta Yuhuudda, waxa uu Isku-dhac ku dhexmaray Dibad-baxeyaal taageersan hawl-galka Ciidamada Israel iyo qaar ka soo horjeeda duullaanka ay ku qaadeen dhulka iyo Shacabka reer Falastiin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories