HomeWararkii u dambeeyey Diyaarad Siddey Madaxweynaha Iran iyo Madax Kale oo Ku...

Wararkii u dambeeyey Diyaarad Siddey Madaxweynaha Iran iyo Madax Kale oo Ku Burburtay Galbeedka dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xubno ka mid ah Weftiga Madaxweynaha Iran oo Xidhiidh la sameeyey Kooxaha Samata-bixinta

Dubai (SLpost)- Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi, wasiirka arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin kale, ayaa sida la sheegay ku burburtay buuraleyda waqooyi-galbeed ee dalka Axadda maanta.

Dowladda Iran ayaa ku hawlan gurmad ballaadhan oo ay ka wadaan dhul buuraley ah oo la rumaysan yahay inay diyaaraddu ku burburtay, waxaana dadweynaha dalkaas loogu baaqay inay tukadaan.

Shilkan diyaaradeed ayaa ku soo beegmay todobaaddo kaddib weerar gantaallo ah oo Iran ku qaadday Israa’iil, kaddib markii ciidamada cirka ee Dowladda Yuhuuddu duqeyn ku dileen Saraakiil u dhashay Iran oo ku sugnaa waddanka Suuriya.

Madaxweyne Raisi ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay gobolka Bariga Asarbayjaan ee dalka Iran. Telefishanka Dowladda ayaa baahiyey inay diyaaraddu cillad farsamo la kulantay xilli ay fadhiisanaysay Magaalada Jolfa oo ku taal xadka waddan Azerbaijan oo qiyaastii 600 kilomitir (375 mayl) waqooyi-galbeed ka xigta caasimadda Iran ee Tehran.

Madaxweyne Raisi waxa socdaalka ku wehelinayey Wasiirka Arimaha Dibada Hossein Amirabdollahian, guddoomiyaha gobolka Bariga Asarbayjan ee Iran, saraakiil iyo Ciidamo ilaalo ah, sida aanu ka soo xigannay wakaalada wararka ee IRNA.

Wakaaladda wararka IRNA iyo telefishanka dowladda midkoodna ma bixin macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda madaxweyne Raisi iyo wefti la socday.

Afhayeenka ciidammada gurmadka degdegga ah ee Babak Yektaparast oo la hadlay wakaaladda wararka ee IRNA, ayaa sheegay in goobta shilku ka dhacay oo ah dhul-buuraley ah oo roobab waaweyn ka da’ayaan aanay suurta-gal ahayn inay kooxaha samata-bixintu markiiba gaadhaan goobta ama wax macluumaad ah ka helaan.

“Shacabka iyo warbaahinta xaq ayey u leeyihiin inay ogaadaan wararkii ugu dambeeyay ee shilka helikabtarka madaxweynaha, laakiin goobta shilku ka dhacay iyo xaaladda cimilada awgeed ma jiro war cusub oo ilaa hadda la sheegi karo,” sidaas ayuu afhayeenku u sheegay wakaaladda wararka ee IRNA.

Sida warbaahinta Somalilandpost.net ka soo xigatay wakaaladda wararka IRNA, Madaxweynaha Iran iyo masuuliyiinta la socday ayaa la sheegay inay ka soo laabteen xadhig-ka-jarka biyo-xidheen weyn oo laga hirgeliyey xuduudka dalkaasi la wadaago waddanka Azerbaijan, waxaana  munaasibadda xadhig-ka-jarka ka qayb-galay madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev oo ay wada-jir xadhigga uga jaray biyo-xidheenka.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Iran Mohammad Mokhber, ayaa shir-guddoomioyey kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada dalkaas, waxaana la sheegay inay ka xaajoodeen xaaladda soo cusboonaatay iyo sidii ay uga hawl-gali lahaayeen baadi-doonka diyaaradda madaxweynaha.

Madaxweyne ku-xigeenka 2aad iyo wasiirka Caafimaadka ee dalkaas oo loo xil-saaray hawl-galka, ayaa isla markiiba safar ugu baxay gobolka Woqooyi-galbeedka dalka Iran ee Shilku ka dhacay.

blankDhanka kale, wakaaladda wararka ee IRNA ayaa baahisay in laba xubnood oo ka mid ah weftiga madaxweynaha Iran ay xidhiidh la sameeyeen xoogagga samata-bixinta ee ku hawlan baadi-doonka diyaaradda madaxweynaha.

Weftiga madaxweyaha Iran ayaa la sheegay inuu ka koobnaa 3 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, waxaana la sheegay inay labada diyaaradood ay wax xidhiidh ka waayeen diyaaradda madaxweynaha saacad badhkeed kaddib markii ay hawada ku jireen.

Xubnaha weftiga ee xidhiidhka la sameeyey kooxaha Samata-bixinta ayaa la sheegay inay saarnaayeen labada diyaaradood ee kale.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha……..

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories