HomeWararkii u dambeeyey dalka Ethiopia, Magacyada Saraakiil laga dilay iyo kuwo laga...

Wararkii u dambeeyey dalka Ethiopia, Magacyada Saraakiil laga dilay iyo kuwo laga qabtay Kooxda TPLF

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia, ayaa shaaciyey inay saraakiil sar-sare la dileen dhaq-dhaqaaqa Xoreynta Tigray-ga ee TPLF, kaddib markii ay ciidamada Federaalku hawl-gallo Milatari ka fuliyeen gudaha gobolkaas.

blankSida lagu sheegay Bayaan ka soo baxay Talista Ciidamada Federaalka Ethiopia oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Anadolu oo aanu warkan ka soo xigannay masuuliyiinta hawl-galka lagu dilay waxa ku jira raggii ugu caan-sanaa kooxda TPLF, kuwaas oo lagu kala magacaabo Sekoture Getachew, Daniel Assefa oo isagu ahaa madixii hore ee laanta maaliyadda Ismamulkii gobolka Tigray, Zeray Asgedom oo hore u soo noqday madaxa maamulka warbaahinta Itoobiya iyo sarkaal lagu magacaabo Abebe Asgedom.

Waxa kale oo Ciidamada Federaalka Itoobiya gacanta ku dhigeen sagaal sarkaal oo ka tirsan Xoogagga TPLF, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkan oo gelinkii dambe ee Khamiistii shalay uu soo saaray sarkaalka ugu sarreeya Waax Hawl-gelinta Ciidamada oo lagu magaabo Janaraal Tesfaye Ayalew.

Generaal Ayalew ma sheegin xilliga iyo goobta lagu dilay afarta sarkaal ee ka tirsan hoggaanka TPLF.

Sida lagu sheegay Bayaankan, waxa saraakiishan la qab-qabtay ka mid ah afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Tigray Kidusan Nega, danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay dalka Suudaan Abadi Zemu iyo rag kale oo magacyadooda lagu kala sheegay Solomon Kidane, Teklewayini Assefa, Gebremedhin Tewolde, Woldegiorgis Desta, Tewodros Hagos iyo Mihret Teklay.

Marka laga yimaaddo warka ka soo baxay Dowladda Ethiopia, ilaa hadda ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya dilalka iyo xadhigga raggan, sidoo kale ma jiro wax war oo ka soo baxay dhanka xoogagga TPLF.

Dowladda Federaalka Ethiopia, ayaa xayiraado adag saartay warbaahinta iyo Isgaadhsiinta gobolka Tigray, taas oo sababtay inay adkaato in wax macluumaad ah laga helo gudaha gobolkaas.

Raysal-wasaaraha dalka Ethiopio Abiy Axmed, ayaa bishii November ee sannadkii hore soo saartay amar lagu soo xidhayo in ka badan 60 qof oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee TPLF. Waxase ilaa hadda aan meelna lagu sheegin qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha TPLF oo uu ku jiro madaxweynihii gobolkaas ahna gudoomiyahooda Debrestion Gebremichael.

Raysal-wasaare Abiy Axmed waxa uu isla wakhtigaas ku dhawaaqay in lasoo afjaray howlgal milatari oo ka socday gobolka Tigray kaddib markii ay ciidamada federaalka gacanta ku dhigeen caasimadda gobolkaas ee Maqalle.

Dagaalka dowladda Ethiopia la gashay Kooxda Tigray, ayaa qarxay kaddib markii xoogagga TPLF qudha ka jareen Askar tiro badan oo ka tirsan Milatariga Federaalka ee saldhiggoodu yahay Aagga Woqooyi ee gobolka Tigray isla markaana ay boobeen saanaddii Milatari ee taallay ee saldhigaas, taas oo keentay in dowladda Federaalku ay bilowday hawl-gal ay ugu magac-daray Sharci-fulin oo laga fuliyey gobolka Tigray.

Dagaalka ka qarxay Tigray, ayaa sababay inay shacab tiro badan ka cararaan dalkooda, kuwaas oo xilligan ku jira xeryo qaxoonti oo looga sameeyey dalka Suudaan.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories