HomeWararkii u dambeeyey Dagaallo Culus Oo Maanta Ka Dhacay Gobolka Sool iyo...

Wararkii u dambeeyey Dagaallo Culus Oo Maanta Ka Dhacay Gobolka Sool iyo Jabka maleeshiyaadka Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maleeshiyaadka Huwanta Laascaanood ayaa khasaare ba’an iyo Jab kala kulmay weerarro dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee gobolka Sool.

Dagaalka oo goor-dhawayd joogsaday ayaa ka socday Galbeedka magaalada Laascaanood, gaar ahaan agagaarka Kaalinta Shidaalka Ina Jabuutaawi iyo Wershada Laydhka.

Wararka aanu helnay ayaa sheegaya inay malleeshiyaadku firxadkii u yaaceen dhinaca xaafadaha ku yaalla Koonfur-Galbeed magaalada Laascaanood, kaddib markii Ciidamada Qarankuna Jab iyo khasaare laxaad leh gaadhsiiyeen maleeshiyaadka oo gabbood ka dhigtay dhismaha xaafadaha magaalada.

Sidoo kale, Dagaal ka socday dhinaca Bari ee magaalada, ayaa joogsaday 4tii galabnimo ee maanta, kaddib markii ciidanka qaranku baacsadeen malleeshiyaadka oo gudaha u galay magaalada Laascaanood.

Dagaallada maanta ka dhacay Gobolka Sool, ayaa bilaabmay kaddib markii maleeshiyaadku weerareen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee deegaanka Dhaban-saar oo Jihada Galbeed kaga beegan laascaanood ama 24km jihada Koonfur-Galbeed kaga beegan Tuulo-Samakaab oo fadhiisin u ah Guutada 7aad ee Ciidanka Qaranka.

Dagaalka Saaka ka dhacay Deegaanka Dhaban-Saar, waxa maleeshiyaadka Huwanta ah lagaga gubay 6 Gaadhi oo tikniko, waxaanay jabkoodii markii dambe u yaaceen tuulada Badhi-Hadhac oo 21km Jihada Bari ka xigta Magaalada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay inay Ciidanka Qaranku khasaare ba’an ugu geysteen malleeshiyaadka Huwanta saddexda Dagaal ee maanta ka dhacay gobolka Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories