HomeWararkii U Dambeeyey Dagaal Maalintii Saddexaad Ka Socda magaalada Laascaanood

Wararkii U Dambeeyey Dagaal Maalintii Saddexaad Ka Socda magaalada Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maalintii Saddexaad oo Xidhiidh ah ayaa dagaal ka socdaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada Qaranka ee Somaliland iyo maleeshiyo-beeleed u dhashay deegaanka oo ka amar-qaata Garaaddada ku sugan magaaladaas.

Isku-dhacan Hubaysan, ayaa bilaabmay subaxnimadii Isniintii dorraad kaddib markii malleeshiyaadku weerar ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka ee ku sugan Laascaanood oo isla maalintaas ay go’aamo ka soo baxeen Shir muddo toddobaad ah magaalada uga socday.

Waxa Dagaalka Ka Dhashaykhasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay Ciidamada Qaranka, Maleeshiyaadka dagaalamayey iyo dad shacab ah oo wax ku noqday hubka lays weydaarsanayey.

War Qoraal kooban oo Saaka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in malleeshiyo-beeleed ku sugan magaaladu magaalintii saddexaad weerar ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka Laascaanood, taasina sababtay inuu saaka mar kale dagaal ka dhaco magaalada Laascaanood oo inteeda badan haawanaysa kaddib markii ay dadkii shacabka ahaa ka qaxeen magaalada oo gabbood u noqotay malleeshiyo-beeledd Huwan ah oo isku urursaday.

“Maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ayey Kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhisimada Ciidamada, waxa aanay ciidamadu ku jiraan difaac,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Dhinaca kale, war shalay ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu qabtay maxaabiis isugu jira Dadka deegaanka oo ‘la marin-habaabiyey’, xubno ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah iyo Askar ka tirsan Ciidamada la-dagaalkanka Argagixisada ee maamul-goboleedka Puntland ee PSF oo hubka iyo maal-gelinta ka hela Dowladda Maraykanka.

La Soco Wixii Warar ah ee Ka soo Kordha…

 

War-qabadka Somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories