HomeWararkii u dambeeyey Dagaal Khasaare Ba'an Geystay Oo maanta ka Dhacay Garowe

Wararkii u dambeeyey Dagaal Khasaare Ba’an Geystay Oo maanta ka Dhacay Garowe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Garowe (SLpost)- Dagaal aad u Xooggan ayaa subaxnimadii Salaasada maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidanka maamulka madaxweyne Siciid Deni iyo Ciidamo mucaarad ah oo ka soo horjeeda qorshe xukuumadda Deni ku doonayso wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka maamul-goboleedkaas.

Dagaalka oo khasaare badan geystay, ayaa yimid kadib markii subaxnimadii hore baarlamaanku oggolaaday qorshaha xukuumadda ee ahaa in dastuurka wax laga beddelo.

Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa warbaahinta Somalilandpost u xaqiijiyey inay dagaalka ku geeriyoodeen 31 Qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 40 Qof.

Wararku waxa ay sheegeen in dadka shacabka ah ee dagaalka ku geeriyooday tiradoodu dhan tahay 11 Qof, halka tiro ka badan 25 qof oo kale ku dhaawacmeen.

Ciidamada Labada dhinac, ayaa la sheegay inay dagaalka kaga geeriyoodeen ilaa 20 Askari oo ay ku jiraan Saraakiil Askari.

Sida ay tibaaxeen wararka ka imanaya Garowe, Saraakiisha ku geeriiyooday dagaalka waxa ka mid ah Taliyihii Ciidamada Ilaalada madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland.

Shacabka magaalada Garoowe ayaa subaxnimadii hore ee Saaka ilaa Xalay xilliyadii dambe bilaabay inay ka qaxaan magaaladaas, iyagoo u jihaystay deegaannada miyiga ah ee ku xeeran magaalada.

Dagaalka waxa ka qayb-qaatay ciidamada ilaalada madaxtooyada, daraawiishta, ciidanka PMPF, ciidanka Booliska iyo ciidamo la baxay Danab oo taabacsan Korneyl Jimcaale Jaamac oo hoggaaminaya Ciidamo qaab beeleed u abaabulan oo ka soo horjeeda Xukuumadda Siciid Deni.

Ciidamada taabacsan Jimcaale ayaa looga awood roonaadey gudaha magaalada, iyadoo laga qabsaday gaadiid Tikniko, waxaanay wararku sheegayaan inay fadhiisin cusub ka samaysteen Koonfurta magaalada Garoowe.

Xaaladda magaalada Garoowe ayaa xiligan degan, waxaaana bilowdey isu-socodka gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga oo dib u furmay.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, ayaa fiidnimadii caawa ku dhawaaqay xabbad-joojin bilaa shuruud ah.

Ciidamada uu Hoggaaminayo Kornayl Jimcaale ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen oo Degta gobolka Nugaal gaar ahaan caasimadda Garoowe, halka madaxweynaha Xilka haya ee Siciid Deni ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud oo degta gobolka Karkaar gaar ahaan caasimaddiisa Qardho.

Ciidamada Kornayl Jimcaale oo hore uga qayb-qaatay duullaanka maamul-goboleedkaasi ku soo qaaday Laascaanood, ayaa badhtamaha bishii hore dib ugu laabtay Garoowe xilligaas oo maamul-gobolkeedkaas looga dareeray doorashada Goleyaasha Deegaanka, haseyeeshee magaalada Garoowe iyo qaybo ka mid ah gobolka Nugaal ayaanay kadhicin doorashadaasi sababo la xidhiidha khilaaf dhinaca awood-riixashada siyaasadda ah.

Maamul-goboleedka Puntland ee u hoggaaminayo Siciid Deni, ayaa si weyn uga qayb-qaatay abaabulka colaadda ka taagan magaalada Laascaanood oo dagaallo ku dhexmareen Ciidanka Qaranka Somaliland iyo malleeshiyo-beeleed deegaanka u dhashay oo taageero ka helaya Kooxo argagixiso ah iyo ciidamo hab qabiil loo soo abaabulay oo maamulka Garoowe u soo diray Laascaanood.

La soco wixii warar ah ee soo kordha……

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories