HomeWararkii u dambeeyey Dab ka kacay Booyad Shidaal oo ay ku geeriyoodeen...

Wararkii u dambeeyey Dab ka kacay Booyad Shidaal oo ay ku geeriyoodeen 150 Qof iyo Dhaawac tiro badan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Bahawalpur (SLpost) – Ugu yaraan 150 Ruux oo Shacab ah, ayaa ku geeriyooday Dab ka kacay Booyad Shiidaal Sidday oo ku dhacday Kambalka ama Duleedka magaalada Bahawalpur ee gobalka Punjab ee waddanka Pakistan Axaddii Maanta oo ay Ciid ahayd.’

Saraakiil Booliska deegaanka u hadlay markii ay goobta tageen ka dib, ayaa sidaa Warbaahinta u xaqiijiyey, iyada oo Dhimashadu korodhay, halka Dad Tiradaas ku dhawna lagu dawaynayo Cusbitaallo kala duwan oo deegaankaas ah iyo kuwo deegaanno kale loola cararay.

booyadDadka ku dhintay Shilkan ayaa u badnaa Dad Shacab ah oo Deegaanka ku dhaqnaa, kuwaasoo isugu soo ururay goobta ay Booyaddu ku dhacday, isla markaana Shidaal ka daadanayey Booyadda kala boobayey, ka dibna sida ay Goob-joogayaasha qaarkood Warbaahinta u sheegeen Mid ka mid ah Dadka halkaas isugu yimi ayaa damcay inuu Xabbad Sigaar ah ka shito Leetar ama Bilikay ama Qaraxad ama Wallacad, ka dibna Dabkaas ayaa qabsaday Shidaalka Booyadda ka butaacayey ee ay Boqollaalka Qof isugu soo urureen dhurashadiisa.

Dad Sigaar cabbayey oo goobta joogay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen dabka qabsaday Shidaalkii daatay iyo Booyaddaba, sidaa waxa ku warramay TV-ga Geo ee Pakistan laga leeyahay isagoo soo xiganaya dad goob-joog ahaa.

Waddooyinka dalkaas ayaa lagu yaqaan in ay khatar badanyihiin, Baabuurta oo aan si fiican loo daryeelin iyo wadeyaal si bilaa taxadar ah u kexeeya Baabuurta ayaa loo aaneeyaa Shilalka ka dhaca dalkaas.

gubashadaAfhayeenka Ciidanka Maj-Gen Asif Ghafoor, ayaa Warbaahinta dalkaas qaar ka tirsan u sheegay in Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ciidanka Pakistan, loo diray goobta Shilku ka dhacay; si ay Dadka dhaawaca ah Cusbitaallada ula gaadhaan. Warbaahinta Pakistan ayaa baahisay Sawirrada Baabuur iyo Meydad dhuxuloobay, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu sii kordhi doonto.

Shilkan ayaa ku soo beegmay, wakhti uu Raysal-wasaaraha dalka Pakistaan Nawas Sharif, Fasaxa Ciidal-fidriga ku jiro, isla markaana Safarka Fasixiisa ku joogo magaalada London ee waddanka Britain, waxaanay Shacabkiisa ugu baaqeen inuu dalkiisa dib ugu soo noqdo ka dib Shilkan ay Dadka badani ku dhinteen iyo weliba Dad dhawr iyo siddeetan Ruux ah oo maalmihii u dambeeyey Qaraxyo ku dhintay, isla gudaha waddanka Pakistan, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee dawladda Pakistan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories