HomeWararkii u dambeeyey Bannaan-bax Rabshado wata oo ka dhacay Gabiley iyo Ciidamada...

Wararkii u dambeeyey Bannaan-bax Rabshado wata oo ka dhacay Gabiley iyo Ciidamada RRU-da oo Muquunin iyo Rasaas kula kacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Bannaan-bax lagaga soo horjeedo Saraakiil todobaadkii hore lagu dilay deegaanka Qorilugud ee gobolka Buuhoodle, ayaa maanta ka dhacay magaalada Gabiley, waxaana bannaan-baxaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ka dib markii ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-du ay rasaas iyo muquuqnin kala hor tageen dad shacab ah oo mudaharaadayey.

Wasiirro u dhashay deegaanka gobolka Gabiley oo ay weheliyaan Ciidamo RRU ah, ayaa muquunin u adeegsaday bannaan-baxa dadka shacabka ah oo ka mudaharaaday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo maalintii Arbaca ee todobaadkan Askari ka tirsan ciidanka Qaranku si badheedh ah ugu dilay magaalada Qorulugud ee Buuhoodle.

Wararkii u dambeeyey Bannaan-bax Rabshado wata oo ka dhacay Gabiley iyo Ciidamada RRU-da oo Muquunin iyo Rasaas kula kacayWararka aanu ka helayno gobolka Gabiley, ayaa sheegaya in Baabuur ay wateen ciidamada RRU-du dul maray Hooyo iyo ilmo ay gacanta haysay oo da’diisa lagu sheegay 10 jir, halkaasna uu wiilkii ku dhintay, hooyadiina xaaladeedu aad u adag tahay kadib markii loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley.

Wiilka yar dhintay ayaan magaciisa la xaqiijin ilaa iyo hadda waxaa soo gaadhay cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley shan qof oo dhaawaca halka dadka kale oo dhaawaca loola cararay magaalada Hargaysa si loola tacaalo xaaladooda caafimaad oo liidatay awgeed, sida ay xaqiijiyeen wariyeyaal ka hawl-gala magaalada Gabiley.

Dadka dhaawacmay ee dhakhtarka la keenay ayaa magacaantoodu ay kala yihiin Suhayb Yaasiin Cismaan, Cawaale Cumar Faarax, Axmed C/lahi Ciise iyo Gabadh iyo wiil aan wali la aqoonsan magacyadooda oo koomo ku jira.

Dadwaynahan ayaa ka kacsan xukuumada uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo kadib markii nin ay madaxwaynaha isku hayb yihiin si badheedh ah ugu dilay xerada ciidanka qaranka dhexdeeda gudaha tuulada Qurulugud laba Sarkaal oo midkood ka soo jeedo gobolka Gabiley, halka ka kalena uu u dhashay gobolka Awdal.

Sida uu ki Bilaamay Mudaharaadku Maanta

Sida uu ku soo warramayo wariyahayaga Gobolka Gabiley, waxa Mudaharaadka oo Bilaabmay Salaaddii jimcaha kadib loo adeegsaday Cudud ciidan, waxana, waxana rasaastii ciidanku ridayeen ku dhacday dadkii mudaharaadka waday oo iyagu ahaa kuwo aan hubaysnayn.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories