HomeWararkii u dambeeyey Af-gembiga Milatari ee Sudan, Ra'iisul-wasaarihii & Wasiirradiisii oo la...

Wararkii u dambeeyey Af-gembiga Milatari ee Sudan, Ra’iisul-wasaarihii & Wasiirradiisii oo la xidhay iyo Walaaca Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Khardoum (SLpost)- Milatari dalka Suudaan ayaa maanta talada ka tuuray Xukuumad ku-meel-gaadh ahayd oo labadii sanno ee u dambeeyey hoggaaminaysay talada dalkaas.

Jeneraalka ugu sarreeya Sudan oo hoggaaminaya Af-gembi maanta ka dhacay dalkaas, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna kala diray Xukuumaddii ku-meel gaadhka ahayd, isaga oo ku dhawaaqay dhismaha dowlad cusub.

General Abdel Fattah al-Burhan ayaa hadalkiisa ka sheegay telefishanka Dowladda, kaddib markii ciidamadu ay xidheen Ra’iisul-wasaare Cabdalla Xamduuk iyo wasiiro kale.

blank“Si aan u saxno waddada kacaanka, waxaan ku dhawaaqnay xaalad deg deg ah, waxaan kala dirnay golihii ku-meel gaadhka ee qarannimada, waxaan kala dirnay golihii wasiirada,” ayuu yidhi Generaal Abdel Fattah.

Xiisado siyaasadeed ayaa ka dhex jiray militariga iyo xukuumadda rayidka ah ee talada dalkaasi sida wadajirka u hayay tan iyo markii xukunka laga eryay madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashir.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa isla maanta sheegtay in adeegyada internet-ka laga jaray dalka oo dhan iyadoo la xidhay waddooyinka waaweyn iyo buundooyinka isku xidha Caasimadda Khartoum.

Bilowgii Af-gembiga, Askarta ayaa xoog ku galay xarunta idaacadda dowladda Sudan oo ku taal magaalada Omdurman ee duleedka caasimadda, sida ay sheegtay wasaaradda Warfaafintu, waxaana warbaahinta laga sii daayey heeso waddani ah.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP oo aanu warka ka soo xigannay, Shacab tiro badan ayaa isugu baxay jidadka caasimadda, iyagoo taayirro ku gubay is-goysyada Jidadka, waxaanay ka soo horjeedeen tallaabada Milatari ku kacay.

Tallaabadan waxa isla markiiba cambaareeyey dowladaha Caalamka oo dowladda Maraykanku u horeyso iyo Qaramada Midoobay. Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman ayaa sheegay in Maraykanku ka walaalacsan yahay tallaabada Milatarigu ku kacay, waxaanu sheegay in isbeddel kasta oo khasab ku yimaaddaa ay caqabad ku tahay taageerada Marakanka ee dalkaas.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay tallaada ay Milatariga dalkaasi ku kaceen oo ay ku tilmaantay mid aan la aqbali karin.

Somalilandpost.net 

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories