HomeWararkii u dambeeyey Isku-day Af-gembi oo ka socda DALKA Turkiga, Hanjabaadda Madaxweyne...

Wararkii u dambeeyey Isku-day Af-gembi oo ka socda DALKA Turkiga, Hanjabaadda Madaxweyne Erdogen iyo Xaaladda taagan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Koox ka tirsan Milatariga dalka Turkiga ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku-haynta talada dalkaasi, iyadoo ay jiraan Askar la dhoobay Jidadka muhiimka ah ee Istanbul iyo Diyaarado joog hoose ku dul-haadaya hawada Caasimadda.

turkeywWareegto laga baahiyey telefishanka, ayaa lagu sheegay in Golaha Nabadda (Peace Council) uu hadda gacanta ku hayo talada dalkaas, isla markaana ay jirtay cuno-qabatayn iyo Xukun deg-deg ah.

Ilaa immika lama garanayo cidda ay yihiin Kooxdan ama heerka taageerada ay haystaan. Wararku waxa ay sheegeen in la amray xadhigga saraakiil sar-sare oo ciidamada ka tirsan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku gacan-saydhay tallaabadan oo uu sheegay inay ku kaceen kacdoon ay ka dambeeyaan dad tiro yar, waxaanu shacabka ugu baaqay inay bannaan-baxyo ka sameeyaan jidadka magaalooyinka waaweyn. “Waxaan ku boorrinayaa shacabka Turkiga inay isugu yimaaddaan Fagaarayaasha iyo Madaarrada. Waligay ma rumaysan inay jirto awood ka sarraysa awoodda shacabka,” sidaa waxa uu madaxweynuhu u sheegay waraysi uu khadka telefonka ku siiyey Telefishanka CNN qaybtiisa Turkiga.

turkeyMr Erdogan waxa uu sheegay inuu ku sii jeedo dhinaca magaalada Ankara, kuwa ka dambeeya tallaabadanina sharciga lala tiigsan doono. Lama oga halka uu ku sugan yahay, balse war ka soo baxay xafiiskiisa, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu joogo goob ammaan ah.

Raysalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa tallaabo sharci-darro ah ku tilmaamay awood-maroorsiga milatari, haseyeeshee waxa uu sheegay inaanu ahayn Afgembi, isla markaana ay dowladdu gacanta ku hayso talada dalka.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganayso ilo-wareedyo laga helay madaxtooyada, amarka inqilaabka ayaa ku kooban kooxo saraakiil ah oo ka tirsan Milatariga isla markaana aanu ku jirin Taliyaha Guud ee Milatariga dalkaas. Wararku waxa ay intaas ku dareen in Taliyaha Guud ee Milatariga Turkiga, Jeneraal Hulusi Akar uu ka mid yahay saraakiil lagu xidh-xidhay Xarunta guud ee Milatariga.

Taliyeyaasha ugu sar-sareeya Milatariga iyo Ciidamada Badda, ayaa iyaguna sheegay inaanay ku jirin saraakiisha Agembiga ka dambaysa.

Dhinaca kale,Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Dawladda Turkiga, 17 Askari oo boolis ah ayaa lagu dilay Jidadka magaalada Ankara. kuwaas oo ku dhintay isku-dhacyo dhexmaray Shacab gadoodsan.

Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Turkiga, ayaa bartiisa Twitter ku shaaciyey inaanu waxba ka ogeyn Afgembiga.

Turkiga waxa sidan oo kale tiraba dhowr jeer uga dhacay Afgembi Milatari oo talada lagaga tuuray dowlado doorasho ku yimi talada dalkaas. Afgembiyo Milatari ayaa ka dhacay dalka Turkiga sannadihii 1960-kii, 1971-kii, 1980-kii iyo 1993-kii.

LA SOCO WIXII WARAR KA SOO KORDHA INSHA ALLAH………

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories