HomeWararkii u dambeeyey Af-gembi dhicisoobay oo ka dhacay dalka Itoobiya

Wararkii u dambeeyey Af-gembi dhicisoobay oo ka dhacay dalka Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in gobolka Amxaarada ee dalkaasi uu shalay gelinkii dambe ka dhacay inqilaab fashilmay oo la doonayay in lagula wareego xukunka maamulka gobolkaasi.

Ra’iisalwasaare Abiy Axmed ayaa dhanka kale shaaciyay in la toogtay taliyaha ciidamada xoogga dalkaasi ka dib rabshadahaasi ka dhacay gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya.

Dalkaasi Itoobiya ayaa waxaa in dhawaale ka dhacayay rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha dega dalkaasi.

blank

Afhayeen u hadlay xafiiska ra’iisalwasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in uu fashilmay inqilaab la doonayay in lagula wareego xukunka ismaamulka gobolka Amxaarada ee dalkaasi.

“Waxaa uu iskuday inqilaab ka dhacay magaalada Bahir Daar balse waa uu fashilmay,” ayuu yiri Negussu Tilahun oo ah afhayeen u hadlay ra’iisalwasaare Abiy Axmed.

Waxa uu sheegay in ay socdaan dedaallo lagu soo qabanayo shakhsiyaadkii soo maleegay inqilaabkaasi, kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayeen in ay afgambiyaan maamulka uu hoggaamiyo Ambachew Mekonnen oo ah madaxa dowlad deegaanka Amxaaraha ee dalkaasi Itoobiya.

 

Ilaa iyo haatan ma cadda sababta ka dambeysay iskudayga inqilaabkaasi, waxaana jirta saraakiil la laayay sida uu shaaciyay ra’iisalwasaare Abiy Axmed. Ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda arrintaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xooggan oo ka dhaceysay agagaarka xarunta booliska ee magaalada Bahir Daar ee caasimadda dowlad deegaanka Amxaarada.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xabbadu ay socotay muddo saacado ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay la socoto warar sheegaya rasaas ka dhaceysa gudaha magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegeysa in uu fashilmay qorshe la doonayay in lagu qaarijiyo barasaabka gobolkaasi Amxaarada oo daacad u ah ra’iisalwasaare Abiy Axmad.

Ciidamada milatariga dalkaasi Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in la geeyay magaaladaasi.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray xisbiga haya talada gobolka Amxaarada ayaa inqilaabkaasi fashilmay ku eedeeyay taliye hore oo ka tirsanaan jiray ciidamada oo xabsiga lagas oo daayay markii uu xukunka dalka la wareegay Abiy Axmad.

Dhacdadan ayaa muujineysa xasillooni darrada ka jirta qeybo badan oo ka tirsan dalkaasi Itoobiya.

Ra’iisalwasaare Abiy ayaa saandkii la soo dhaafay la wareegay xukunka dalkaasi ka dib muddo saddex sano ah oo muddaharaadyo ay ka dhacayeen qeybo badan oo dalkaasi ah, kuwaa oo sababay in uu xilka iska casilo ra’iisalwasaarihii isaga ka horreeyay.

 

Abiy Axmad ayaa xabsiyada dalkaasi ka sii daayay dadkii u xirnaa arrimaha siyaasadda, waxa uuna xayiraaddii ka qaaday xisbiyada siyaasadeed ee horey mamnuuca ka ahaa dalkaasi, waxaana sidoo kale maamulkiisu uu maxkamad soo taagay shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahay in ay geysteen gaboodfalyo ka dhan ah xaquuqul insaanka.

Balse rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha kala geddisan ee dalkaasi ayaa ka billowday qeybo badna oo dalkaasi ah oo gobolka Amxaarada uu ka mid yahay.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in rabshadahaasi ay ku barakeceen ugu yaraan 2.4 milyan oo qof.

Dalkaasi Itoobiya oo dadkiisu lagu qiyaaso 100 milyan ayaa sanadka dambe lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyinka baarlamaanka.

Waxaana soo baxayay baaq ka imaanayay kooxaha mucaaradka oo dalbanayay in doorashadaasi ay dalka ka dhacdo xilligii loogu tala galay inkastoo qeybo badan oo dalkaasi ay ka jiraan barakac iyo rabshado.

 

@BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories