HomeWararkii u dambeeyey 50 Dhalinyaro ah oo lagu Xidh-xidhay Boorama iyo Ciidanka...

Wararkii u dambeeyey 50 Dhalinyaro ah oo lagu Xidh-xidhay Boorama iyo Ciidanka Booliska oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama (SLpost)- Ciidanka Booliska magaalada Boorama, ayaa maanta xabsiga u taxaabay ku dhowaad 50 dhalinyaro ah oo ku lebbisan calanka Soomaaliya xilli maanta gobollada dalka laga oogay xuska dabbaal-degga maalinta xoriyadda ee 26-ka June oo ku beegan 61-guurada ka soo wareegtay markii Somaliland xoriyadda ka qaadatay maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska.

Guud ahaan magaalooyinka Waaweyn ee dalka waxa maanta laga xusay 61-guurada maalinta xoriyadda Somaliland oo munaasibad lagu weynaynayo xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada taas oo si toos ah warbaahinta looga tabiyey oo lagu weynayey maalintan oo ku suntan inay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland tahay meeshii ugu horeysay guud ahaan dhulka Soomaalida ee calan laga taago.

blankHaddaba iyadoo munaasibaddan loo dabbaal-degayo, waxa magaalada Boorama lagu xidh-xidhay dhalinyaro qorshaha ay ku socdeen iyo ficilka ay qaadeen lagu sheegay mid dibadda laga soo abaabulay kuwaas oo calanka Soomaaliya ku dhex-sitay gudaha caasimadda gobolka Awdal.

Dhalinyarada oo la sheegay in qaarkood baraha bulshada ku baahiyeen sawirro ay sitaan calanka Soomaaliya oo ay ku galeen duleedka Boorama, ayaa ciidamada Boolisku qab-qabteen, waxaanay ku xidhan yihiin oo la geeyey xabsiyada kala duwan ee gobolka Awdal iyo gobollada kale ee dalka, sida lagu sheegay war kooban oo Ciidanka Boolisku kaga hadleen dhacdadan.

“Ciidanka Booliska Gobolka Awal waxay xabsiga u taxabeen ku dhawaad kontan dhalinyaro (50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Somalia.

Dhalinyaradan ayaa qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen  meel ka baxsan magaalada,” Sidaas waxa lagu heegay qoraal lagu baahiyey ciwaannada baraha bulshada ee Ciidanka Booliska JSL.

Waxa ay Ciidanka Boolisku sheegeen in gacmo shisheeye dabada ka riixaysay ficilka ay ku kaceen dhalinyarada la qab-qabtay.

“Dhalinyaradan ayaa hadda ku kala xidhan xabsiyada dalka waxaana la hor gayn donaa maxkamada iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkooda.

Sida warar xogogaal ku helayaan laamaha amaanku waxa dhalinyaradan dabada ka hagaaya cid dano gaara leh, cidaas hagaysana waanu ku raad joognaa degdagna waa loo soo qaban Insha Allah,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Ciidanka Booliska Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somallilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories