HomeWarar Dheeraad oo ka soo baxay Qaabkii u dhacay Dilka loo geystay...

Warar Dheeraad oo ka soo baxay Qaabkii u dhacay Dilka loo geystay Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Arabsiyo oo Cusbitaalka Hargeysa ku geeriyooday Galabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa/Gabiley (SLpost)- Allaah ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Saldhigga deegaanka Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Cigaal (Cabdi-Case), ayaa mar dhawayto ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo lagu dawaynayey dhaawiciisa, ka dib markii gelinkii hore ee Salaasada Maanta uu magaalada Gabiley ku toogtay mid ka mid ahaa Askarta Saldhigga Arabsiyo.

Dhaawaca Marxuumka oo isla maanta la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hareysa, ayaa lagu sameeyey qalliin lagaga badbaadinayey Rasaasta uu Askarigaasi ku riday oo qaarkood fadhiisteen jidhka dhexdiisa.

taliye-fadal1Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa BBC-da u sheegay in Allaah ha u naxariistee uu Marxuumku mar dhawayd oo shantii galabnimo oo daqiiqado ka dhiman yihiin ahayd uu geeriyooday, isagoo xusay in dhaawiciisu cuslaa.

Qaab Noocee ah ayuu Dilka Taliyuhu u dhacay?

Maayerka magaalada Gabiley ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee degmadaas Shucayb Maxamed Muuse, ayaa sharraxaad ka bixiyey qaabka ay u dhacday Toogasho uu ku dhaawacay Taliyaha Booliska Degmada Arabsiyo Askari ka tirsan Saldhiggaasi gudaha magaalada Gabiley gelinkii hore ee maanta.

taliyahaWaxa uu Duqa Gabiley sheegay in Askari ka tirsan Ciidanka Saldhigga Booliska degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley uu gelinkii hore ee maanta ku toogtay gudaha magaalada Gabiley, isagoo ku dhuftay shan xabbadood oo dhaawac culus soo gaadhsiiyey Taliyihii Saldhiggaas Cabdi Ismaaciil Cigaal (Cabdi-Case) sida uu sheegay Maayerku.

Waxa isla markiiba ciidanka Booliska Gabiley ku guulaysteen inay qabtaan oo ay gacanta ku dhigaan Askariga shanta xabbadood ku dhaawacay Taliyihiisa sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.

“Waxaa halkan ka dhacay Maanta Taliyihii Saldhiga Arabsiyo, Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-Case), ayuu Askari kale oo isla Saldhigga Arabsiyo ahi 5 Xabbadood ku dhuftay oo dhabarka iyo Caloosha kaga soo dhuftay, waxaanu Illaahay uga baryaynaa inuu Caafimaad siiyo.” Sidaa ayuu yidhi Maayerka Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo markii toogashadaasi dhacday ka dib Warbaahinta kula hadlay isla Gabiley.

Duqa Degmada Gabiley Mr. Shucayb oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Askarigii falkaas geystayna markiiba gacanta ayaannu ku dhignay, Dhaawacana si Qaliin deg-deg ah loogu sameeyo ayaanun hadda u qaadnay dhinaca Cusbitaalka Caasimadda Hargeysa.” Lama Oga Sababta dhabta ah ee Askarigu toogashada badheedhka ah ugu gaystay Taliyaha balse waxaa la sheegayaa in Dacwadi ka dhexaysay Askariga iyo Taliyaha islamarkaana sidaasi isula tageen Gabiley.

Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo isaga iyo Wasiirka Caafimaadku ay Warbaahinta kula hadleen Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa markii dhaawaca Taliyaha la soo gaadhsiiyey ee dawada loo bilaabay ka dib, ayaa Warbaahinta u sheegay in Askariga toogashada xaq-darrada ah u geystay Tiliyihiisii ay gacanta ku hayaan, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan Sharciga loo horgeyn doono.

Taliyaha Booliska oo ka hadlay

Sarreeye Guuto Fadal oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey geerida Marxuumka, waxaanu sheegay in si  degdeg ah Maxkamadda loo horkeeni doono Askariga dilka Taliyihiisii u geystay oo ay Ciidanka Ammaanku gacanta ku hayaan. Waxaanu Tacsi u diray qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee uu Taliyahaasi ka baxay, Marxuumkana waxa uu Allaah uga baryey inuu u naxariistay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories