HomeWarar Dheeraad ah oo ku saabsan Geerida Gaddaafi iyo habkii loo helay

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Geerida Gaddaafi iyo habkii loo helay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli, (SLpost)- Wararkii ugu dambeeyey ee laga helay dalkaasi Libya ayaa caddaynaya in hoggagamiyihii Libya Mucamar Gaddaafi la dilay ka dib markii ay xoogagga mucaaradka qabsadeen magaaladii uu xogga ku lahaa muddada badan ee Sirte.

Iyada oo wararka dhimashadiisa ku saabsan ay dhex-qaadayaan dalkaas iyo dhammaanba adduunka, waxa la baahiyey sawirro muujinaya Gaddaafi oo wada dhiig ah.

blankWaxa la sheegay in meydkiisa laga soo jiiday meel buundo ah hoosteed halkaas oo uu isku qarinayay ka hor intii aan la toogan. Qaar ka mid ah dagaalyahannada mucaaradka ayaa sheegay in markii ay gacanta ku dhigeen uu ka baryey inay u naxariistaan.

Raysalwasaaraha dalkaasi Libya Mahmoud Jibril ayaa mar dhawayd caddeeyey dhimashada Qaddaafi, “In badan ayaannu sugaynay fursaddan oo kale, waxaanan idiin cadddaynayaa in la dilay Gaddaafi,” ayuu yidhi Jibril.

blankGaddaafi ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyey ee uu noloshii galaaftay mawjadda Gu’gii ka curtay dunida Carabta.

Askarta mucaaradka ayaa sheegay inay arkeen kolonyo baabuur ah oo isku dayey inay ka baxsadaan magaalada Sirte ka dib markii ay magaaladaas aad u duqeeyeen diyaaradaha NATO iyo weerarro ka imanayey mucaaradka, balse waxa hakiyey weerarro dhan walba lagaga keenay, waxaana lagu khasbay inay dib ugu laabtaan goobaha uu dagaalku ka socday.

In kasta oo Qaddaafi hore u dhaawacmay, haddana wax yar ka dib waxa laga helay isaga oo ku jira god ku hoos yaala buundo biyo-mareen ah. Waxa la sheegay in laga dhaawacay labada lugood, lamana garan karo in dhaawacu ka soo gaadhay diyaaradihii duqeeyey kolonyadii baaburta ahayd ee isku dayday inay magaalada ka baxdo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories