Home“Warancadoow Ka hadalka Turkiga waxaa ka dhow Tiyaatarka Hargeysa” – JAMAAL CALI...

“Warancadoow Ka hadalka Turkiga waxaa ka dhow Tiyaatarka Hargeysa” – JAMAAL CALI XUSEEN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ku dhaliilay ka-hadalka Arrimaha Soomaaliya iyada oo ay jiraan khilaafaad dad shacab ah u dhexeeya oo ka taagan Tiyaartka Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde, ayaa la sheegay inuu amray fulinta hawlgal dawladda hoose maanta ka fulisay wejahadda Hore ee Tiyaatarka Hargeysa oo dhismahiisu socdo, iyada oo la siiyey nin ganacsade ah oo maal-gashay, arrintaas oo sababtay inay iska hor-yimaaddaan Dad shacab ah oo ka soo kala jeeda Ganacsatada Tiyaatarka dhisanaya iyo nin Suldaan ah oo la siiyey Wejadda Galbeed ee Tijaatarka, kuwaas oo maanta iyaga oo hubaysan gudaha u galay Tiyaarka.

JAMAALIyada oo Arrintani jirto, ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maanta ka hadlay isla markaana dawladda Soomaliya ku dhaliilay u hoggaansanaan la’aanta heshiisyo hore loo gaadhay, taas oo sababay inuu burburo shirka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo maalintii Sabtida ee todobaadkan ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee Turkiga.

Haddaba, Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo daba-socda hadalka wasiirka iyo dhacdada maanta ee Tiyaatarka Hargeysa, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in wasiirka Daakhiligu ka hadlo arrinta shirka wada-hadallada labada waddan iyaga oo dab ka qiiqayo gudaha caasimadda.

Qoraal uu arrintan kaga hadlay Jamaal Cali Xuseen oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:- “Caawa waxaan la yaabay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde isagoo ixtiraam iga mudan in aan arko isagoo ka hadlaaya shirka ka dhacaaya Turkiga ee wadahadaladda Somaliland iyo Somalia. Waxaan filaayey inuu Wasiir Warancadde ka hadlo arrinta Tiyaatarka Hargeysa ee cakiran ee qoryaha laysla hortaagan yahay ee gondahiisa ka dhacaysa maadaama uu yahay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland. Shirka Turkiga weftina wuu inoo jooggaa; dadkii kale oo dhamina waa u jooggaan ka hadalkiisa, hadday tahay mucaarid iyo muxaafidba. Arrinta Tiyaatarka ka dhacaysaa nasiib daro waxay sababtay khasaare dhaawac leh; welina ay xaaladdii taagan tahay. Shaqaaqadan ka taagan Tiyaatarkii oo ku yaalla caasimaddii Somaliland ahna muraayadda laga dheehdo dalka. In maanta ay tan oo kale ka dhacdaa dalka miyaa la filaayey? Xiisaddaa ka jirta Tiyaatarkana waxaa masuuliyadeedda leh Madaxtooyadda. Maamul xumaddani waxay muujinaysaa sida layskaga hor keenayo bulshadda walaalaha ah ee wada deggan caasimadda si loo sameeyo xaalad abuur. Hadalka Warancadde ee ka hadlaya wadahadalo ka socda Turkiga iyo qaaradda Yurub waxaa uga dhow inuu ka hadlo oo wax ka qabto xaaladda Tiyaatarka Hargeysa. Taasoo muujinaysa maamul xumidda iyo aqoon daradda ka haysa shaqooyinka iyo waajibaadka loo igmaday masuuliyiinta iyo kuwii ku ilaalin lahaa oo meesha ka maqan. Waxaan ugu baaqayaa madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka bulshada deggan magaalada Hargeysa in ay u guntadaan oo wax ka qabtaan xaaladda cakiran ee Tiyaatarka magaalada Hargeysa. Adkaynta amnigana meel looga soo wada jeesto..Ilaahay ha dhowro Somaliland.” Sidaas ayuu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay Qoraalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories