Home“Warancade Waxay Ahayd Inuu Mar Hore Is Casilo” Xildhibaan Xoog

“Warancade Waxay Ahayd Inuu Mar Hore Is Casilo” Xildhibaan Xoog

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SL.Post) Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka tirsan golaha wakiilada iyo xisbiga Waddani, ayaa cadaalad darro ku tilmaamay isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo, isagoo isweydiiyay su’aal ay dadka badankiisu isweydiiyaan ee ah sababta Madaxweyne Siilaanyo u baal maro wasiirada beeshiisa ee mar walba ka badbaada isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista.

 

blank

 

 

 

Xildhibaanka oo shirjaraa’id qabtay, wuxuu kaloo sheegay in Cali Warancade si rasmi ah u aqbalay inuu qabto jagada wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya. “Sidaan u arko isku shaandhayntii, waxaan u arkaa mid aan cadaalad ku fadhiyin oo wasiiro beesha madaxweynaha ah oo lama taabtaan ah oo seefta madaxtooyadu aanay taaban, isku shaandhayntaasi dadka kale oo dhan way taabataa. Shan wasiir oo lama taabtaan ah oo kala ah , wasiir Cali Siciid Raygal, Wasiir Cali Mareexaan,Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka macdanta Xuseen Ducaale, waa wasiiro rigli ah oo isku shaandhayn kasta ka badbaada oo ay seeftu xagooda saawil ka tahay.” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

 

 

Isagoo ka hadlaya Wasiir Cali Warancade iyo xil ka qaadistiisa, wuxuu yidhi  “Wasiirka deegaanka layga doortay ee Cali Warancade, saaxiibkay Cali waxay ahayd inuu mar hore is casilo, awoodihiisa in badan ayaa lagu takri falay isagoo meesha iska fadhiya. Maanta waa la casilay anigu waan la hadlay waxaanan weydiiyay inuu qaatay safiirnimada Itoobiya ee lagu magacaabay, Cali wuxuu ii sheegay inuu qaatay oo anigaaba ka caodsaday oo idhi halkaasaan ku nasanayaa ayuu yidhi, wasiirka duulista la geeyayna wuu taageeray oo wuxuu yidhi anaa idhi inankaas geeya wuu ila shaqeeyee, waanu ogolyahay wasiirka cusub, waana wasiir dhallinyaro ah oo firfircoon.”

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories