Home"Warancadde Wax Khilaaf Ah Oo Isaga Iyo Madaxweynaha Ka Dhex-jiraa Ma Jiro"...

“Warancadde Wax Khilaaf Ah Oo Isaga Iyo Madaxweynaha Ka Dhex-jiraa Ma Jiro” Wasiir Caddami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay xilka safiirnimo ee loo magacaabay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, oon ilaa hadda wax hadal ah laga haynin,  waxaanu sheegay in Madaxweynaha iyo Cali Waran-cadde aanu wax khilaaf ah soo kala dhexgelin xilkana ay isku sii ogaayeen.

 

 

CADAMI WASIIR

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xilka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Diiwaangelinta Gobolka Sool ka socota waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Wax alaale wixii Gobolka Sool ka soo jeeday ilaa Wasiirul Dakhiligii meesha ayay joogaan, waxa kaliya ee ay u joogaan wacyi-gelintii, hore waa loogu sheegay, haddeerna waa lagu wadaa, si fiican bayna runtii ay u socotaa, oo nabadgalyo ah, wararka ka imanayaa safaf dhaadheer baana lagu jiraa,markaas wax dhib  ihina ma jiro, maanta adduunka wax lagu kala awooda bataa warqadaas Sanduuqa lagu ridayo, haddii ay taasi ka daciifto ama aanad ugu hagar bixin sidii la rabay marba khasaaruhu adiga ayuu ku hor imanayaa, Gobolka Soolna ilaa hadda natiijo fiican ba ka muuqata, waxaana rajaynayaa inay sidaas ku socoto, tiro wanaagsana diiwaangelintu ku dhamaato”.

 

 

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey  Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Wasiirka loo magacaabay ayaa yidhi “Waa ragganimo waa lexejeclo wanaagsan oo soo korodhay oo la gaadhay inaanay  cid gaar ahi qandaraas ku haysan Wasaaradd mucayin ah, waxay wax walba ku hagaagayaan oo la iskugu imanayo oo si cadaalad ah wax loo qaybiyo waxtar iyo wanaag bay u soo kordhinaysaa Somaliland, waxna yeeli mayso”.

 

 

Wasiir Caddami mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko xilka Safiirnimo ee loo magacaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa  ku jawaabay sidan“Cali Waran-cadde waa nin waayo-arag ah, sida ay dadku wax u qaada dhigayaan maaha, wax khilaaf ah oo isaga iyo Madaxweynaha ka dhex jiraa ma jiro, Madaxweynuhu isaga ayaa wax magacaaba, cid kale oo awood ku lihi ma jirto, meesha lafteeda in laga dhigayo wuu ogaa, oo waa laga wada hadlay, dan guud oo umaddu wada leedahay oo cid gaar ahi aanay lahayn ayaa laga wada hadlay, sidaas ayaa la isku afgartay, Waran-cadde waa nin waayo-arag ah waa nin wax badan qabtay, waa nin xilkii loo dhiibo aad iskugu taxalujiya oo wax weyn ka qabta, xilkan loo dhiibayna Wasaaraddii Arrimaha Dibada ayuun bay noqonaysaa, magaca raaxo iyo nasashaba iyadaa badan, oo ku soo bixi maayaan aroornimadii laba iyo laabatan dacwadood oo ta kale ta kale burinayso, Wasiirka cusub ee loo magaacabay Wasaarradda Arrimaha Guddaha waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu fududeeyo, isagana [cali warancade] Safaarada loo dhiibay ee dawladaas aynu jaarka iyo saaxibkaba nahay sidaas loogu xulay ee loogu gartay waan ku kalsoonahay inuu isna uga shaqeeynayo”.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories