HomeWAR-SAXAAFADEED: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka hadashay Safarkii Madaxweynaha ee Itoobiya...

WAR-SAXAAFADEED: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka hadashay Safarkii Madaxweynaha ee Itoobiya iyo Kulankii Farmaajo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya uga mahad-celisay marti-qaadkii uu u fidiyey madaxweynaha Somaliland iyo soo-dhawayntii lagu qaabilay weftigii uu hoggaaminayey ee todobaadkan socdaalka ku tagay dalkaas.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamig ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

blankWar-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Axmed Cumar Cilmi, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo saddex maalmood ah booqosho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ka soo qayb galay kal-fadhiga 33aad ee Ururka Midawga Afrika.

Waxa kale oo ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku kulmeen xafiiska Ra’iisul  Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

Waxa ay xukuumadda Somaliland Mahad-naq u jeedisay Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya iyo madaxda qaaradda Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay u mahadnaqaysaa Dawladda Jamhuuriyada Dimuqraaddiga Federaalka Itoobiya, Gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Dr. Abiy Ahmed sidii milgaha iyo sharafka badneyd ee loo gu soo dhaweeyey waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland muddadii uu ku sugnaa dalka Itoobiya.

Waxa kale oo ay Dawladda Somaliland, si mug leh ugu mahadnaqaysaa Hogaamiyayaasha Qaaradda Afrika ee ay kulamada ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Midawga Africa.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Arbacadii shalay markii weftiga madaxweynaha oo uu ka mid ahaa soo gaadhay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa Saxaafadda si kooban ula hadlay, ayaa sheegay inaanu kulanka labada madaxweyne ahayn mid qorshaysnaa, balse uu ahaa iska kulan caadi ah oo aan wax xasaasi ah oo lagaga hadlay jirin.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories