HomeWar-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Online-ka Somaliland ee magaciisu yahay Somaliland Online Media Association ee loo soo gaabiyo (SOMA), Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa si adag uga jawaab-celiyay aflagaado iyo gef ay kula kaceen Ururka SOMA shakhsiyaad ka tirsan warbaahinta Online-ka.

blankSidaa waxa uu guddoomyaha Ururka Mareegaha Online-ka Somaliland ee SOMA Mustafe-janaale uu ku sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo maanta uu soo saaray waxaanu u dhignaa sidan:

“Somaliland_Online_Media_Association (SOMA), waa urur waddani ah oo ay ku bahoobeen Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland,taas oo fadhigeedu yahay Caasimada Somaliland ee Hargeisa,isaga oo wada shaqeyn la leh hay’ada Caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah-ba.

Ururka SOMA maaha Urur Saxaafadeed oo cid gaara u xidhan, ee Waa Urur u furan inay ka mid noqdaan dhammaan Warbaahinta Online-ka ah ee ka hawlgala Somaliland. ciddii danaynaysa ka mid noqoshadeeda.

Aragtida aasaasida Dallada Mareegaha Somaliland ee SOMA waxay ka soo maaxatay qaar ka mid ah suxufiyiinta Mareegaha Online-ka wax ku qora,kadib markii ay garwaaqsadeen in iskaashigu ka fiican yahay keli-kelimada: “Iskaashigu Waxa u ka awood baddan yahay Keli-kelida” isla markaana loo baahan yahay inay noqoto codkii suxufiyiinta Mareegaha Online-ka ee ka turjumaysay danahooda.

Ururka Mareegaha Online-ka ah ee SOMA waxa uu u taagan yahay horumarinta iyo kor-u-qaadista xuquuqda Suxufiyiinta Online-ka Casriga ah.

Ururka #SOMA waa golle kulmiya Suxufiyiinta, iskuna waydaarsadaan Wararka, Aqoonta Xirfadaha iyo Tignoolajiyada sidoo kale waxay SOMA u taagan yahay inay ka qeybqaadato sameynta Siyaasadaha iyo Xeerarka Warbaahineed ee ay hormuudka ka tahay Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.

Ururka SOMA waxa uu si sharciya ula shaqeynaysa Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland,iyada oo fulinaysa Shuruucda iyo Siyaasadaha u yaala Warbaahinta dalka Somaliland.

Ururka #SOMA waxay u mahad-celinaysa Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ee uu hormuudka u yahay Wasiirka Saleebaan Cali Koore sidii fiicnayd ee ay noogu soo marti-qaadeen Kulamadii lagu falan-qeynayay Qabyo qoraalkii Siyaasadda Warbaahinta Qaranka Somaliland 2021-ka iyo sidii fiicnayd ee ay u soo dhaweeyeen talooyinkii iyo soo jeedimahayagii.

Sidoo kale,waxay #SOMA u mahad-celinaysaa guddida doorashooyinka Somaliland sidii fiicnayd ee ay ula shaqeeyeen  Mareegaha xubnaha ka ah Ururka Online-ka Somaliland ee SOMA.

Waxay SOMA u mahad-naqaysa Mareegihii sida fiican bulshada ugu tebiyay fariimihii wacyigelineed ee guddida doorashooyinku bulshada u gudbinaysay.

Waxa wax laga xumaado ah in dad suxufiyiin sheeganaya inay aflagaado iyo cambaareyn u geystaan Ururka Online-ka Mareegaha Somaliland ee SOMA, iyaga oo ku tilmaamay koox si tuuga ah ugu maxaabsanaysa magaca Mareegaha Online-ka Somaliland.Taas oo ah cadho ka kacday hunguri, kadib markii ay ku guul-dareysteen inay xubin ka noqdaan Ururka Mareegaha Somaliland ee SOMA, isla markaana buuxin-waayeen Shuruudihii ka mid noqoshada Ururka SOMA.

Sidaa daradeed, Ururka Mareegaha Online-ka ee SOMA waxay u aragtaa inay tahay cadho hunguri ka kacday, waxaanad ka dhigan tihiin ‘Nin Hunguri kaa qaaday waa nin Seefi kaa qaaday.Waxaanan leenahay ILAAHAYOOW in beer ku filnaado ha naga dhigin.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories