HomeWar-Murtiyeed: Rejadii Dhallinyaradda Oo Rumawday!

War-Murtiyeed: Rejadii Dhallinyaradda Oo Rumawday!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta run u rogay riyadii iyo rajadii ay qabeen muddo badan dhallinyaradda Somaliland ee ahaa ka qayb-galka tallada dalka ka dib markii ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeer Lam. 20.

blankXeerkan Xeer Lam. 20 waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka goleyaasha deegaanada, waxaanu markii hore ku xadidayey da’da ka qaybgalka goleyaasha deegaanka 35-jir taas oo dhallinyaradda dabar sharci ku noqotey, keenteyna inay Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO  dadaal fara badan ka gasho sidii da’daasi loo dhimi lahaa.

blankXukuumadda Somaliland ee uu hormoodka u yahay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Axsaabta qaranka iyo xildhibaanada golaha wakiiladu waxa ay door weyn ku lahaayeen sidii loo meel marin lahaa wax ka badalka qodobkaasi waxaanay SONYO si weyn ugala shaqeeyeen sidii da’da ka qayb galka golayaasha deegaanka hoos loogu soo dhigi lahaa 25-jir, si dhallinyaradu door ugu yeesheen ay dalkooda kaga qayb galaan hogaamintiisa loona diyaariyo jiilkii berri ka maalin dalka hogaankiisa gacanta ku dhigi lahaa. Golaha wakiiladda Somaliland waxa ay maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen wax ka badalka xeerkaasi, taasi oo noqonaysa dhacdo taariikhi ah oo ka turjumaysa bisaylka ka muuqda golayaasha qarankeena. SONYO oo matalaysa dhammaan dhallinyarada Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxa ay hambalyo iyo bogaadin aan ereyo lagu cabbiri Karin u soo gudbinayaan xildhibaanada golaha wakiilada ee rumeeyey rajadii dhallinyarada gacantoodana ku ansixiyey xeerkaasi. waxa kale oo ay dhallinyaradu mahad naq ballaadhan u soo jeedinaysaa cid kasta oo si toos ah iyo si dadbanba gacan uga gaysatay meel marintan xeerkan iyo xaqiijinta himilada dhallinta Somaliland.

blankDalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa ay hambalyo u soo jeedinaysaa dhammaan dhallinyarada reer Somaliland gudo iyo dibadba waxaanay ugu baaqaysaa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen ee ay fadhiga uga kici lahaayeen si dalkeenu ula tartamo dunida aynu ku noolnahay oo aynu horumarkiisa uga shaqayno, maadaama dabaradii sharci ee dhinaca ka qayb galka siyaasadda wax laga badalayna waxa ay ugu baaqaysaa in ay hab mudakarnimo ah hankooda uga dhabeeyaan oo ay ka turjumaan xaqiiqada dhabta ah ee ay maanta ku doonayaan in ay caynaanka ugu qabtaan dalkan curdinka ah ee u baahan dhiiga cusub iyo cudadda casriga ah ee la jaan qaadaysa cahdigan cusub.

blankWaa maalintii aynu shacabka Somaliland qaybihiisa kale tusi lahayn in dhallinyarada Somaliland maanta tahay awoodda wax badali karta, kana dhabayn karta himiladii muddo dadkoodu qabeen ee ahayd “Mustaqbalka Berri” oo aynu maanta ku badalayno “Mustaqbalkii Maanta”. Dhiigg cusub oo ka fayaw cudurada bulshadeena dib u riday ee ay ugu horeeyaan qaadka iyo qabiilku. “Hadal Yar iyo Hawl Badan”. Waa maalintii aynu aqoonteena iyo cududeena muujin lahayn ee aynu dalkeena wax ugu qaban lahayn.

blankUgu dambayn dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa ay golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland ka filaysaa in ay sidaa golaha wakiilada u baas garayn doonaan wax ka badalka xeerkan oo ay maalmaha soo socda ka doodi doonaan.

Guul Iyo Gobonimo

Guddoomiyaha Dalladda SONYO

Axmed Cabdi Wacays

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories