HomeWAR DEG-DEG AH: Dooni ay Saarnaayeen 200 Muhaajiriin ah oo Maanta Ku...

WAR DEG-DEG AH: Dooni ay Saarnaayeen 200 Muhaajiriin ah oo Maanta Ku qarraqantay Xeebaha dalka Talyaaniga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

MUSCUT (SLpost)- Inta la ogyahay Ugu yaraan 27 qof ayaa dhintay ka dib markii Doon ay saarnaayeen 200 oo Muhaajiriin African ahi ay maanta ku qarraqantay badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa Africa iyo Yurub, sida uu xaqiijiyey Raysal-wasaaraha dalka Malta. Maraakiib ay leeyihiin Ciidamada Talyaaniga iyo Malta oo taageero ka helaya diyaaradaha qumaatiga u kaca, ayaa ka hawl-galay badbaadinta dadka nolosha tahriibayaasha oo la warhelay wakhti ay qorraxdu sii dhacaysay. Raysalwasaaraha dalka Malta, Joseph Muscat, ayaa sheegay in la babaadiyey 203 ka mid ah tahriibayaasha doontoodu degtay.

Doontan ayaa la sheegay inay ku qarraqantay meel 120 KM u jirta Xeebta jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga, taas oo todobaadkii hore dhacdo noocan oo kale ay ku dhinteen 300 oo tahriibayaal ah ka dib markii ay degtay doontii ay saarnaayeen oo sidday 500 oo qof. Doonta Maanta qarraqantay, ayaa la rumaysan yahay inay dhibaatadu haleeshay wax ka hor intii aanay qorraxdu dhicin. Wararka laga helay dhacdadan, ayaa sheegaya inay dadka doonta saarnaa ay dhinac isugu urureen iyaga oo doonayay inay u dhowaaqaan diyaaras dushooda maraysay, taas oo sababtay inay doonidu qarraqanto.

doon

Ciidamada cirka ee Malta ayaa la sheegay inay arkeen doonta oo sii dagaysa, waxaanay isla markiiba ogeysiiyeen Maraakiibta ilaalada xeebaha Talyaaniga oo weli gaardiyeynaya xeebaha dalkaas ka dib dhacdadii dadka badan ku dhinteen todobaadkii hore. Ciidamada badda dawladda Malta, ayaa ka qayb qaadanaya hawlgalka oo ka dhacaya xuduudkeeda biyaha badda. Saraakiisha Malta waxa ay xaqiijeen in 147 qof oo la badbaadiyey ay saaran yihiin markab ay leeyihiin ciidamadooda ilaalada xeebaha, kuwaas oo la geynayo dalka Malta. Waxa kale oo ay sheegeen in ciidamada Talyaanigu badbaadiyeen 56 qof oo kale.

Wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa shaacisay inay dhacdadan ku dhiteen 50 qof, balse ma jiro war si rasmi ah u xaqiijinaya jiritaanka warkaas.

Sidoo kale, may suurtagelin in markiiba la ogaado waddamada ay ka soo kala jeedan Tahriibayaasha Doonta saarnaa. Shabakadda Somalilandpost, ayaa maanta daabacday war la xidhiidha laba doonyood oo ku cilladoobay biyaha badda Liibiya, kuwaas oo midkood ay saaran yihiin 120 Somali ah, halka doonta kale oo ay saaran yihiin 100 Eretarian ah, kuwaas oo qaylo-dhaan u dirtay ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga, haseyeeshee ma jiraan warar xaqiijinaya in dadkaas la badbaadiyey iyo in kale.

Somalilandpost

MUSCUT

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories