HomeWAR DEG-DEG: Baabuurkii Wasiirka Gaadiidka Cirka Maamul-goboleedka Puntland oo Goor-dhawayd lala soo...

WAR DEG-DEG: Baabuurkii Wasiirka Gaadiidka Cirka Maamul-goboleedka Puntland oo Goor-dhawayd lala soo galay Magaalada Ceerigaabo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Baabuurkan Wasiirka Duulista iyo Hawada Maammul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Xuseen Cabdi Naxar (Xuseen-jiriid) po noociisu yahay Landcruiser midabkiisu madow yahay Plate Numberkiisuna yahay GD.459 Ayaa goor habeennimo ah caawa wuxu soo gaadhey gudaha magaalada Ceerigaabo. Waxana baabuurkan lasoo goostay dareewalkii wasiirkan u wadey oo magaciisu yahay Xasan Aadan.

Baabuurkan ayaa kaddib rasaas fara badan oo ay la beegsadeen koox katirsan ciidanka qaranka Guutada 45-aad oo fadhigoodu yahay gudaha magaalada Ceerigaabo goor uu kusoo dhowaa Kaantaroolka Ceerigaabo waxay ka haleeshay mid ka mid ah taayirrada danbe haseyeeshee maaddaama ciidankan oo ay isku hayb yihiin wasiirka iyo dareewalka baabuurka lasoo goostya kana cabsi abbey waduhu in baabuurkan ay beel ahaan uga qaadayaan si uu uga soo guda galo magaalada Ceerigaabo wuxu ku guulaystey inuu ka fara baxsado ciidankaas. Lamana garan karo wax dhawwac naftiisa gaadhey wadaha baabuurkan ilaa hadda. Halka warar aan la hubin ay sheegayaan inuu jiro nin dhallinyaro ah oo baabuurkan lalasoo fakaday saarnaa oo isaga dhaawac kazoo gaadhey rasaastii ciidannkan qaranku ku ridayeen.

Sidoo kale ciidanka boliiska oo iyaguna xogta baabuurkan helay kana hortegey iyo baabuurkii oo cararaya iyo ciidankii millateriga ahaa oo baacsanaya ay si kedis ah u kulmeen kaddibna dareewalkii baabuurkan wadey uu ka cararay baabuurkii halkaasoo waqti yar gudihiis labadii ciidan ku kulmeen gaadhigan lala soo goostay waxana baabuurkii u fara horreeyey ciidanka millateriga ah kuwaasoo muran dhex maray iyaga iyo boliiska kaddib u kaxaystay baabuurkaas xeradooda millateriga ee gudaha Ceerigaabo.

Mas’uuliyiinta boliiska mas’uuliyiin millateriga ah iyo Badhasaab-kuxigeenka ahna kusimaha badhasaabka gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan oo arrintan awgeed dhacdadaas kaddib isugu tegey Saldhiggaa Boliiska Daalo ayaa isla qaatay in gaadhigaasi caawa ku baryo gacanta ciidanka millateriga kaddibna lagusoo wareejiyo gacanta boliiska.

Waxa jira dhaqdhaqaaq beeleed oo lagu raadinayo sidii baabuurkan loogu sheegi lahaa mid shacab iyo weliba in lagu hawllan yahay sidii lambar shacab ah gaadhigan loogu xidhi lahaa  islamarkaasna dib loogu celin lahaa gacanta beesha wasiirku kazoo jeedo iyadoo wararku sheegayaan in odayaal beeshan ahi kazoo kicitimeen degaannada koonfurta Sanaag si ay u meel mariyaan fekerka kusaabsan in gaadhigani yahay gaadhi shacab leeyahay.

Waxana wararku intaas ku darayaan maaddaama ciidankan millateriga ah ee imminka gacant ka qabtay gaadhigan hayb ahaan kazoo jeedaan koonfurta Sanaag in kooxdan ciidanka ah ee baabuurka dhexda u gashay markoodii horeba qorshohoodu ahaa in ay halkiisa ku qabtaan gaadhigaas dibna ugu celiyaan ciddii lagala soo goostay haseyeeshee ay u suurta geli weydey kaddib markii waduhu ku adkaystay gaadhigiisa oo shaawacan inuu la jiidho raggaas

Sikastaba ha ahaatee xaaladda baabuurkan ayaa ah mid u dhow inuu yahay Gaadhi Maammul-goboleedkaasi leeyahay (GD) waxana la rajaynayaa subaxnimada berrito haddii waagu u beryo in xaqiiqada la isla gaadhi doono.

Somalilandpost.net

Ceerigaabo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories