HomeWAR DEG-DEG AH: Mucaaradka Liibiya oo Sheegtay inay Gacanta ku dhigeen Qaddaafi

WAR DEG-DEG AH: Mucaaradka Liibiya oo Sheegtay inay Gacanta ku dhigeen Qaddaafi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli, (SLpost)- Mucaaradka Dalka Libya ayaa sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Mucamar Qaddaafi, in kasta oo aanay caddayn inay qabteen isaga oo nool iyo inuu dhintay.

Waxa la sheegayaa in hoggaamiyihii hore ee dalka Libya laga helay isaga ooku jira god ku yaala badhtamaha magaalada Sirte ka dib dagaal weyn oo magaaladaas ka dhacay ay mucaaradku gacanta ku dhigeen.

Mid ka mid ah dagaalyahannada Mucaaradka oo lagu magacaabo Mohamed Al Bibi ayaa u sheegay war-fidiyeennada in markii ay qabanayeen Qaddafi uu ku calaacalay, “Ha itooganina, ha itooganina,” dabadeedna uu is-dhiibay.

Si kastaba ha haatee, ma kala cadda in wakhtigan xaadirka ah uu Qaddafi nool yahay iyo in kale. Waxa jiray warar badan oo laga helayo warbaahinta Carabta oo sheegayey inuu u dhintay dhaawacyo ka soo gaadhay lugaha.

blank
Sawirka Mobile-ka lagu qaaday oo muujinaya Qaddaafi oo Maydkiisa la wareejinayo in yar ka hor shaacinta warka

Sawir lagu qaaday telefoonka gacanta in yar ka dib markii warkan la sheegay ayaa muujinaya  Mucamar qaddaafi oo isaga oo jidhkiisu wada dhiig yahay gacanta ugu jira mucaaradka.

Wa la fahamsan yahay in loo qaaday cusbitaal ku yaala magaaalada Misrata.

Mucaaradku waxa ay sheegayaan inuu ku hubaysnaa baastoolad dahab ah markii la helay waxaanu xidhnaa dharkii lagu yaqaanay ee isku ekaa.

Sarkaal ka tirsan golaha ku-meel gaadhka ah Abdel Mahjid Mlegta ayaa yidhi, “Qaddaafi waxa laga haleelay madaxa. Waxa kale oo jiray iska caabbin ka timi koox la socotay, waxaanu ku dhintay weerarkaas.”

Wararkan sheegaya qabashada Qaddaafi ayaa ku beegmay isla maalinta ay xoogagga kacaanku sheegeen inay gacanta ku hayeen dhammaan magaalada Sirte, oo ah meesha uu Qaddaafi u dhashay.

Wararkii hore ee ku saabsana qabashadiisa oo laga helay telefishanka CNN iyo golaha ku-meel gaadhka ah ayaa sheegay in Qaddaafi uu xabsiga ku jiro, halka Al-jazeera ay soo warisay in gacanta lagu dhigay Kalluun weyn laakiin aanay magacaabin.

Al Jazeera markii dambe waxa ku soo biirtay Al-Arabiya oo sheegaysa in Gaddafi la dilay, laakiin faahfaahin intaas ka badan kamay bixin.

Sky News ayaa iyaduna soo tabisay in Gaddaafi laga dhaawacay labada lugood ka hor intii aan la qaban. Waxaanu xidhnaa dirayskiisii milatariga ee lagu yaqaanay.

Sarkaal ka tirsan Milatariga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefonka ugu sheegay: ‘Waa la qabtay Qaddaafi. Waxa laga dhaawacay labada lugood…. Waxaana lagu qaaday gaadhiga gargaarka deg-degga ah.’

Telefishanka Al Jazeera ayaa sheegay inay damaashaadyo waaweyni ka socdan magaalooyinka Benghazi iyo Tripoli, halkaas oo ay dadku isugu soo baxeen shaaricyada magaalooyinka iyaga oo qaylinaya, cirka ku ganaya rasaas.

blankSarkaalka Milatariga ahi waxa kale oo uu sheegay in madaxii ciidamada Qaddaafi, Abu Bakr Younus Jabr, la dilay intii lagu gudo jiray qabashada Qaddaafi.

Waxa kale oo la sheegayaa in xoogagga mucaaradka ahi ay gacanta ku dhigeen wiilka uu Qaddaafi dhalay Saif Al-Islam.

Dhanka kale, waxa jiray warar kale oo sheegaya in diyaaradaha NATO ay duqeeyeen agagaarka gurigii uu Qaddafi ku jiray wax yar ka hor intii aan la sheegin wararka ku saabsan qabashadiisa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpsot.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories