HomeWAR DEG-DEG AH: Madaxweyne Siilaanyo oo Xil Wasiirnimo u magacaabay Saleebaan Ciise...

WAR DEG-DEG AH: Madaxweyne Siilaanyo oo Xil Wasiirnimo u magacaabay Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isku-shaandayn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada, isla markaana Xil wasiirnimo u magacaabay Hoggaamiyihii hore ee SSC Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye.’

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, madaxweyne Siilaanyo waxa uu Saleebaan Xaglo-toosiye u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta, halka wasiirkii Wasaaraddaas Cabdirisaaq Cali Cismaan loo beddelay Wasaaradda Warshadaha oo ku cusub dhismaha hay’adaha Xukuumadda Siilaanyo.

Warsaxaafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub, isla markaana wasiirkii hore ee Dib-u-dejintana u magacaabay wasaarad cusub.

 Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha

Qaranka,

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

 Markuu ku Qancay:  In uu hanan karo xilka loo magacaabay,

Wuxuu go’aansaday

1.        In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee JSL.

 2.      In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee JSL.

 3.      In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee JSL.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories