HomeWAQTIGA FARXADDA IYO FIKIR LA’AANTA

WAQTIGA FARXADDA IYO FIKIR LA’AANTA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Farxaddu waa shayga ugu qaalisan ee nololsha bini aadamka qaabayn karata, qiimeyna u yeeli karata,waa shay ay yar tahay cidda ku siinaysa,kuuguna deeqdaa .

 

Cidi kuuma hurto farxad dhab ah kumana siiso ee way kuu suura gelisaa farxadda,marka aad Aragto ama la kulanto dadka farxadda kuu hor seeda waad u nayaayirtaa la kulankooda, la joogooddana waad jeclaystaa nolosha waxaad ku noolaataa farxad iyo feker la´aan sidaad aniga iigu noqoteen farxad weyn oo noloshayda saamayn ku leh waxaad istaahishaan ood iga mudan tahiin inaan idiin ahaado adeege nolosha dhan walba ah, waayo waxaad ii suura geliseen maalin iyo maalmo badanba inaan farxo noloshana kula deris ahaado dhoola cadayn joogto ah.

 

Maan dhoola cadeeyeen hadaydaan garabkayga ahayn gaashaanna iiga noqon waayaha nolosha Waxaad ii weleyseen weedho dhaxal gal ii noqon kara ha ugu horayso waano iyo wanaag joogto ah.

 

Waxaan la deris ahay farxad aad abuurteen waayo badan ka hor wanaag iyo weedh celin wanaagsan inaan idinla wadaagaa idinkaa weelaystay. Farxaddaad i siiseen waxay ila deris ahayd ilaa waqtigan oo ka mida waqtiyada noloshayda ugu qaalisan .

Waxay ii noqotay warmo nolosha igu weheliya iina noqda gashaaan igu gedaaman waayaha noloshana wehel iiga noqdaWay adag tahay inaan weedh keliya idiinku mahad naqaa, waaayo waxaan ogahay sidaad wehel iyo walaal iyo waalidba iigu noqoteeen iigana war haysaaan weligiin.

 

Waxaad ii suura geliseen inaan farxsanaado farxaddna la wadaago dadka iyo dalkaan joogaba uguna noolaado si hammi sare leh hiigsina ka lahaado qaybaha nolosha ee kale. Waxaan ku Noolahay oo la noolahay weydiinta ,waannada iyo weedhaha wanaagsan ee aad ila wadaagtaan waagii beryaba waxaan aad ugu riyaaqaa rayn rayna ii ah inaad noqteen oo Alle iiga kiin dhigay dadka aan ku daydo tusaalyn iyo taakulaynna iigu filan.

Maalin ka mid ah maalmaha noloshayda kamaad bixin maaankayga , miyirkayguna idinkuu Idinku soo maqnaa waxaan maalayey maalin uun inaan idiinla wadaagi doono midhihii aad Beerteen waayo badan ka hor noloshayda waxaad i geliseen iina suura geliseen inaan farxad la jaar ahaado, joogteeyana dhoola cadaynta iyo dhiiri gelinta hadafkayga. Hadaf maan lahaadeen mana haybiyeen hadaydaan garbkayga ahayn iiguna dhiirrinayn inaan nolosha mansab iyo meelba ka gaadho.

 

Waxaan amaantan iyo odhaahdan u hibeyey muquunana uga dhigay waa labadayda garab, gashaan ee mar walba iyo meel walba igu gedaaman iina ah suurta geliyaha nolosha. Dhiirrigeliayaha waxyaabaha dhiman ii hura hantidoodaa haybtooda, hayntooda iyo haybadoodaba intaba. Qoraal idinkuma qiimayn karo sidaad qaali iigu tahiinna iiguna qiimaysan tahiin noloshaydana nalka ugu daarteen, ii bidhaamiseen nolol haybad leh inaan helo. Waxaad ii ahaydeen hadna ii tihiin laba mudan inaan milgeeyo maamuso magacoodana kor u qaado. HOOYO iyo AABE waxaan idinku qiimeeyo qoraal kuma koobi karo .Alle janada haydinku abaalmariyo hana idinku arsaaqo midhaha janada.

 

W/Q:Muna Qoorsheel

E-Mail: munaqoorsheel@hotmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories