HomeWan Wan Hargeysa Ku Dilay Oo La Xidhay Kana Gabyay Xadhiga Loo...

Wan Wan Hargeysa Ku Dilay Oo La Xidhay Kana Gabyay Xadhiga Loo Gaystay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Wankii lagu xidhay saldhigga Daami ee magaalada Hargeysa kaddib markii uu wan kale hirdi ku dilay, ayaa soo tiriyay maanso la yidhaahdo ADYAD oo uu ku la garnaqsanayo askarigii xidhay iyo guud ahaan aadamaha.

Arrin weeye yaab loo, 

Waa xaajo uguboo, 

Abid aan la maqaloo, 

Intay ido jireen iyo, 

Adduunyada dhamaanteed, 

Abwaan aanu soo werin.

Taliskii Afweyniyo, 

Askartii dameeraha, 

Ku illawday jeelkee, 

Cabdi-qays ka ooyiyo, 

Eelkii na soo maray, 

Adigaa ka yaab badan.

Haddaan eed sameeyoo, 

Inaadeerkay aan dilay, 

Xeerkii idaha iyo, 

Sharci adhi saxeexoo, 

Adag baannu leennee, 

Maxaa adiga kaa galay, 

Aanada walaalkay.

Aadamuu gar daranaa, 

Adyad iyo dhib badanaa. 

kibir iyo is-qaadqaad, 

aflagaaddo badanaa.

Ku darsoo inkaaraha, 

Ushaad ila dhacaysaa, 

Oofaha I jabisoo, 

Aramida xanuunkaan,

U adkaysanaayee, 

Bal miyaa ayaan qudha, 

Anoo aa le maqasheen?!

Aroortii timaaddaba, 

Adigaa walaalkay, 

Iyo ina-adeerkay, 

Dhaafiya unuunkoo, 

Ku udxaysanaayee,

Anigaa uguufyoow, 

Kaa aarsan waayoo, 

Aanadii tolkay iyo, 

Godobtii illaawee, 

Miyaad maanta edeg iyo, 

Igu oodan layd jeel?

Immikana dadyaw baas, 

Haddii aan aroortaba, 

Layga furin albaabada, 

Ammintaa wixii dhaca, 

Caqligiinna eersada.

Abhintayda dheer iyo,

Alifleyda maansada, 

Aan soo af-meeree,

Idinkaa adduunyada, 

Amakaagga joogiyo, 

Waxa aafo dhacayiyo, 

Ugu wacan abaaraha.

~ Aadan Cadde,~

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories