Home"WALEE MADAXDA SOMALILAND AYAAN BARAN NIDAAMKA DAWLADNIMO" ... C/RAXMAAN CADAMI

“WALEE MADAXDA SOMALILAND AYAAN BARAN NIDAAMKA DAWLADNIMO” … C/RAXMAAN CADAMI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Inkasta oo madarada Somaliland lagu qalabeyay mishiino casri ah iyo shaqaale si heer sare ah loo tababaray hadana dhacdooyinkan soo noqnoqday.

Cabdiraxmaan-Cadami-300x268

Dadkii goob jooga ka ahaa sida rakaabkii ka soo degay ama kuwii raacayay diyaarada Ethiopia Airline, shaqaalaha Madaarka iyo dadweyne kale oo ajanabi ku jiro marka laga reebo aan idinla socodsiyo sheeko la yaab leh oo ka dhacday madaarka Caalamiga ah ee Cigaal. April 12, 2015.Maalintaa waxa dhoofayay wafti balaadhan oo ka kooban Gudoomiyaha Golaha wakiilada, labadiisa ku xigeen, Gudoomiyayaasha Gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada iyo Xubno ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Xukumada, ujeedadu waxay ahayd inay ka qayb galaan tababar lagu qabanayo Addis ababa. Hadaba maxaa ka dhacay madaarka? Waxay diideen nidaamkii iyo baadhitaankii loogu talo galay in lagu ilaaliyo amniga madaarka, waxay buuq  ka
sameeyeen goobihii laga bixinayay adeegyada kala duwan iyaga oo ku doodaya inay yihiin xildhibaano iyo madax kale haddii si kale loo dhigo  macnuhu wuxuu yahay inay ka sareeyaan sharciga iyo nidaamka lagu sugayo amniga. Aan idin xasuusiyo dhacdooyin hore oo hub lagu qabtay madax reer Somaliland ah markii ay ka dageen madaarkii dalka ay u safarayeen iyaga oo sidan oo kale ka dhago adaygay in lagu baadho madaarka Hargeysa ama Berbera.

Inkasta oo madarada Somaliland lagu qalabeyay mishiino casri ah iyo shaqaale si heer sare ah loo tababaray hadana dhacdooyinkan soo noqnoqday waxay tilmaamayaan inaan laysku halayn Karin baadhitaanada madaarada Dalka. Mar kale iyo fadeexad kale markii diyaarada la fuulay waftigii waxay iska fadhiisteen qaybtii Business-ka ama First Clas-ka oo rakaab kale loogu talo galay, Xubnaha waftiga tigidhada waxa loogu soo jaray qaybta Economi-ga, waxa si asluub leh looga codsaday inay fadhiistaan meeshii loogu talo galay sida ku qoran Tigidhadooda oo ay u baneeyaan rakaabka sita tigidhada qaybta business-ka hase ahaatee waydiideen inay ka kacaan.

Marka ay xaaladu halkaa marayso waxa diyaarada soo koray sarkaal sare oo ka tirsan wasaarada Duulista Hawada Somaliland oo intuu garacay albaabka gudaha u galay qolkii (cabin)  duuliyaha waxaanu u sheegay inuu badalo labada tigidh ee gudoomiyaha iyo ku xigeenka Wakiilada si ay u fadhiistaan qaybta Business-ka haddii kale ma duulayso diyaaradu. Captain-kii diyaaradu isaga oo la yaaban aqoon darada sarkaalka wuxuu ugu jawaabay anigu ma Iibiyo mana badalo tigidhada, Tigidhada waxa laga soo jaraa Xafiisyada Ethiopian Air line ku leedahay magaalada, waxaan se kugu baraarujinaya in qof kasta oo fasax la’aan ku soo gala qolka diyaarada laga hagayo waxa loo aqoonsaday inuu yahay Qof doonayo inuu diyaarada afduubo sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah ee duulista hawadu sidaas oo kale qof aan Captain-ka ahayn ee amar ka bixiya diyaarada dusheeda isaguna wuxuu ka dhigan yahay qof diyaaradii afduubay isla sida xeerku dhigayo sidaa daraadeed waxaan ku war-bixinayaa inay diyaaradu u af-duuban tahay qaar ka mid ah madaxda sarsare ee Somaliland.

Haddaba sida madaxdu ama waftigu u dhaqmay iyo dib u dhaca ku yimid wakhtigii diyaaradu kici lahayd ma waxa la odhan karaa waa ka aqoon daro mise waa ka kibir iyo isla wayni? Maya ee waa badawnimo iyo dhaqankii geel jiraha (Camel boy behavior) oo ah inuu wax kastaba yaqaano isaga oo aan wax badan aqoon u lahayn ama in uu dadka ka sareeyo ama ka fiican yahay isagoo qof caadiya ah, waxba ma bartaan waxna uma kordhaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa ayaan daro ah in madaxdeenu aanay dareenba u lahayn xaaladaha amni daro ee ka jira Gobolka, ma dhaadana haabkan kuma hayaan habayaraatee in shaqada madaarka ka socota lagu hubinayo sugida amaanka rakaabka, ka diyaaradaha iyo waliba amaanka madaxda qaranka ee ka dhoofaysa.

Muxuu noqon karaa khasaaraha dhacdadan ka dhalan karaa iyo saamaynta ay ku yeelan karto Somaliland:–

1.   Waxay shaashayn kartaa xidhiidhka wanagsanaa ee labada dal.

2.   Waxay dhaawacaysaa Sumcadii iyo kalsoonidii lagu qabay adeegyada iyo amniga madarada Somaliland.

3.   Waxay fashilisay dedaalkii wasarada duulista hawadu ugu jirtay in diyaaradaha waawayn ee Ethiopian Airlines si joogto ah u soo fadhiistaan garoonka Cigaal.

4.   Dib u dhicii diyaaradu wuxuu hakad geliyay qorshihii dulimaadyada shirkada sababta oo ah qaar rakaabka ka mid ah waxay ku wareegi lahaayeen dulimaadyo kale iyaduna waxay u duuli lahayd meelo kale. Ugu dambayn waa hubaal in dawlada Itoobiya cabasho u soo gudbin doonto Somaliland  iyo in raali gelin laga bixiyo wixii dhacay laakiin ma garan karno sida xukuumada madaxweyne siilaanyo ugu jawaabi doonto iyo waxay kaga jawaabi doonto.

 

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories