HomeWalaalkayga Nolosha

Walaalkayga Nolosha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Meel kumaannu soo wada korin, abtirsiimo na walaalo nagamay dhigin. Jeer kaas baannu nahay haddana walaalo is-jecel, is-tixgaliya, is-ixtiraama oo kala danbeeya. Waxaannu ka midaysan nahay baa ka weyn waxa aannu ku kala duwan nahay. Sannadkii, goobtii iyo saacaddii isugu kaaya horraysay ba waa mid aan maankayga ka suulin, waxay ii lee dahay xusuus iyo xiise gaarah. Walaalkay waa qof ku sidkan ruuxdayda, waana raad qurux badan oo ka muuqda noloshayda. Dhankayga waa ii walaal, waa na ii ehel. Afbaannu wax ku kala goosannaa, in ta aan la jooggo ma dareemo cidlo iyo caajisnimo, imana galo werwer iyo walaac. Wakhtiga aannu wada joogno waa xilliga aan u gu farxadda badan ahay noloshayda. Waxaannu iskala gabannaa werwerka iyo walbahaarka nolosha. Waxaannu is ka waraysanna xaaladaha mid kastaayaba uu ku sugan yahay iyo dhacdooyinka uu la kulmay saacadihii ay kala maqnaayeen. Igalama gabbado inuu I canaanto haddii uu xumaan I gu arko, anna sidoo kale kalama gabado, kamana xumaado, waayo waa muraayadda aan ka dhex arko ceebaalkayga.

 

Walaalkay, waa ii walaalkay, xaasha iyo habeen xalay tagay inaannu been isu sheegno, balanna iskaga baxno. Wuxuu I la jecel yahay wax kasta oo uu naftiisa la jecel yahay, waxaan la jecel ahay sidoo kale wax kasta oo aan naftayda la jecel ahay. Wax ma kala lihin, oo waxa aannu nahay laba qof oo haddana qof is ku ah. Wuxuu I ga ilaaliyaa oo aan ka ilaaliyaa dhib oo dhan.

 

Walaalkay waa gob, oo haddii aad barato hubaal waa qof aad jeclaanayso. Waa qof dun wanaagsan, damiir xalan oo xariir ah. Waxaanu wada marnay jid, waxaanu wada cunnay jidiin, waxaanu wada dagnay jees, oo waxa aannu wadaagnay farxad. Mar kasta waxa uu I yidhaahdaa:”Walaalo, wanaag oo dhan waynnu wadaagi, dhib oo dhanna way is ka difaaci.”

 

Haddii dhibaato I gu dhacdo, waa qofka u gu horreeya ee ii yimaadda, marka aan dheef helana waa qofka u gu horreeya ee aan u la tago. Wuxuu in badan I gala hadlaa nolosha iyo waayaheeda, duruuftaydu waa tiisa, dantiisuna waa tayda. Meel aan ku sigtay iguma sii dayn waligii, marka aan saxan ahay waa ka I la socda, marka aan khaldan ahayna waa ka seetada I qabta ee I yidhaahda:”Joog” ee haddii aan jooggi waayo I gu dhirbaaxa ka soo noqoshada khaladkaan ku jiro. Ma garanayo goortaannu sidan oo dhan naf keliya u wada noqonnay. Sidoo kale, qummaati uma sixi karo halka aannu ku qoronnay qodobbada qawaaniinta u ah walaaltinnimadayada.

 

Jacayl xaasid ma waayo, ma maqli jirtay? Walaaltinnimadayadu kamay nabadgalin xaasidiinta xiqdiga iyo xaasidnimada la buka. Saxiibbada aannu lee nahay, way ka xun yihiin walaaltinnimadayada, in badan oo ka mid ahi hadh iyo habeen waxay u heellan yihiin in ay na kala dilaan oo aannu is nacno oo kala tagno. Tab iyo xeelad kasta oo qaarkood u mari karayeen inay dilaan walaaltinnimadayada way u mareen. Ma xumayno annagu iyaga, laakiin waannu wanaajinnaa jeerkaas.

 

Cadceed kasta oo soo baxda dabarka walaaltinnimadayadu wuu sii xoogaystaa, waannu is-xeerinnaa oo waannu is-xaal og nahay. Is ma xaasidno walaalkay, ismana xamanno ee wuu ii damqadaa oon u damqadaa. Walaalkay, waa ruuxda naftada, waxaanan lee yahay gunaanadkii, walaal waan ku gu kalsoon ahay oo waan ku jecel ahay.

 

 

 

Mahadsanidiin.

 

 

 

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan

 

Xorhadal@gmail.com

 

Hargeysa, Soomaaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories