HomeWalaalaha Ilma Toure oo laga yaabo inay seegaan kulanka FA Cup-ka ee...

Walaalaha Ilma Toure oo laga yaabo inay seegaan kulanka FA Cup-ka ee Man. Utd ka dib diidmo kaga timi Ivory Coast

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[stextbox id=”black”]SLpost Sports[/stextbox] – Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Cote d’Ivoire ayaa diiday codsigii Manchester City ay ku dooneysay in dib loogu dhigo xilliga Yaya Toure iyo Kolo Toure ay u ambabaxayaan xulkooda, taasoo la micno ah in labada ciyaaryahan ay seegi doonaan kulanka FA Cup-ka ee ay kooxdooda Maalinta Barri ah ay isku haleeli doonaan Manchester United.

blankLabada ciyaaryahan ee walaalaha ah ayaa Sabtida laga sugayaa Paris halkaasoo kulan ay ku leeyihiin xulkooda Ivory Coast, iyagoo tababar ku qaadan doona Abu Dhabi wixii ka danbeeya Axadda.

Si kastaba ha ahaatee, macalinka Ivory Coast, Francois Zahoui, ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoydiisa oo dhan uu filayo inay isu yimaaddaan 7-da bishan January, taasoo la micno ah in Mancini uu waayi doono labo ciyaaryahan oo muhiim ah kulanka Labada Manchester ee ka dhacaya Etihad Stadium. “Kooxuhu way yaqanaan sharciyada,” ayuu Zahoui u sheegay BBC Africa. “Waxaan ka filanayaa labada Toure inay ku yimaadaan xilliga FIFA ay u qabatay”

“Xulka qaranka Ivory Coast waxa hoggaamiya dad waxbartay oo aqoon leh, waxaana la yaabay dadka England jooga inay u maleeyaan sidii inaanan aqoonin sharciga FIFA ay u dejisay arrimahan oo kale,” ayuu yidhi tabobaruhu isaga oo raaciyay, “Marka aan halkan joogno oo aan ciyaartoygayaga u yeedhano, waxaan ka fileynaa inay soo xaadiraan, madaama ay tahay xilli ay FIFA u goysay. Marka aan u yeedhano, waa inay kooxuhu soo fasaxaan.”

“Tababarayaasha kooxaha waan u sheegay inaan rejo fiican ka leenahay koobka qaramada Afrika islamarkaana aan haysanno10 maalmood oo tababar ah.”

Somalilandpost Sports

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories