HomeWakiillo ka socda Beesha Caalamka oo Xoritul-Qawlka iyo Doorashooyinka kala hadlay Guddoomiyaha...

Wakiillo ka socda Beesha Caalamka oo Xoritul-Qawlka iyo Doorashooyinka kala hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Wakiillo ka socda Beesha Caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland.

Weftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Britain, Netherlands iyo Midowga Yurub, waxa ay guddoomiyaha ka wada-hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada iyo doorka ay hay’adaha garsoorka oo Maxkamadda Sare u horeyso ka qaataan arrintan, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

blankWaxa warkan lagu sheegay in Wakiillada Beesha Caalamka ku bogaadiyeen Maxkamadda sare doorka ay ka qaadato arrimaha Doorashooyinka. Guddoomiyaha ayaa warka lagu sheegay inuu Wakiillada Beesha Caalamka uga mahad-celiyey taageeradooda.

“Waxa kale oo ay ka wada hadleen xorriyaadka aas-aasiga ah. Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland xoriyada hadalku tahay mid si weyn loo tix-galiyo, isla markaana aan la cabudhin warbaahinta, waxaanu tibaaxay in ay helaan gar-naqsi cadaalada ah, kaasi oo u suurtagaliya in ay is-difaacaan, haddii loo baahdana ay qabsan karaan qareen u dooda marka laga cawdo ama la dacweeyo,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare.

blankWarku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiyaha Maxkamadda oo Wakiillada Beesha Caalamku kala hadleen ilaalinta xorriyatul Qawlka uu u sheegay in garsoorku Soo dhaweeyo oo cabashadooda dhagaysto Ururrada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqal Iinsaanka.

Kulanka ayaa la sheegay in labada dhinac isla qaateen sii xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.

blankWaxa xusid mudan in Wakiillada Beesha Caalamku maanta kulan kula yeesheen magaalada Hargeysa hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, iyagoo ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dardargelin lahaa hannaan qabsoomiddeeda.

blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories