HomeWakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u Qaabilsanaa Soomaaliya oo maanta ku Geeriyooday...

Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u Qaabilsanaa Soomaaliya oo maanta ku Geeriyooday dalka Tanzania

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Dar es Salam (SLpost)- Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha sharciga ee dalka Tanzania, Augustine Mahiga, ayaa gelinkii hore ee maanta ku geeriyooday caasimadda waddankaasi ee Dodoma, waxaana sababta geeridiisa lagu sheegay xanuun ku soo booday, sida ay shaacisay dowladda dalka Tanzania.

blankAugustine Mahiga waxa uu ahaa diblomaasi muddo dheer soo shaqeeyay, waxaanu hore u soo noqday Wakiilka Joogtada ah ee dalka Tanzania u fadhiya Qaramada Midoobay, isagoo xilkaas hayey intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2010-kii.

Danjire Mahiga, ayaa waxa uu sidoo kale soo noqday sarkaalka ugu sarreeya xafiiska Qaramada midoobe ee Soomaaliya xilligii uu dalkaas Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Danjire Mahiga ayaa ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSRS), isagoo sidoo kalena hayey xilka xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya ee UNPO, isagoo xilkaas hayey intii u dhaxaysay 2010-kii ilaa 2013-kii, kaddib markii uu xilkaas u magacaabay Xoghayihii Guud ee Qarmada Midoobay Ban ki Moon, isagoo beddelay masuulkii xilkaas uga horeeyey danjire Ahmedou Ould-Abdallah.

Danjirahan ayaa aad loogu xusuustaa kaalintii uu kulahaa shirkii heshiiskii Kampala ee uu xilka Raysal-wasaaranimo uga tegay madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khilaaf dhexmaray madaxweynihii wakhtigaas.

Bishii Demcember 2015-kii, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Tanzania, isagoo xilkaas hayey ilaa sannadkii 2019-kii.

Augustine Mahiga oo da’diisu ahayd 74-jir, ayaa xilliga uu geeriyooday hayey xilka wasaaradda Cadaaladda ee dalka Tanzania oo loo magacaabay dhammaadkii sannadkii 2019-kii.

Somaliland iyo Mahiga

blank
Ex-president Axmed Siilaanyo iyo Danjire Mahiga

Danjire Mahiga, ayaa muddadii uu xilkaas hayay tirada dhowr jeer Booqasho ku yimi Somaliland, isagoo ka qayb-qaatay Bilowgii wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee sannadkii 2011-kii xilligii uu siyaasadda dalka hoggaaminayey madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

More New about Mahiga to Somaliland

Augustina Mahiga oo Faro-gelin Qaawan ula badheedhay Xukun ay go’aamisay Maxkamadda Ciidamada Somaliland

Nuxurka kulan Dhex maray madaxweyne Siilaanyo iyo Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia

Wakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo Galabta Safar Shaqo ku yimi magaalada Hargeysa

Augustina Mahiga oo Xukuumadda Somaliland Ka Raalli-geliyey Warqad Xafiiskiisa ka soo baxday iyo Jawaabta Masuuliyiinta Dawladda

Augustina Mahiga oo Faro-gelin Qaawan ula badheedhay Xukun ay go’aamisay Maxkamadda Ciidamada Somaliland

 

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories