HomeWakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo...

Wakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo Galabta Safar Shaqo ku yimi magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wakiilka  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Dr. Augustine Mahiga ayaa Galabta Booqasho ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa isagoo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Wakiilka waxa Madaarka Caasimada ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr Maxamed C.laahi Cumar iyo xubno ka tirsan hay’adaha qaramada midoobay

Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland ayaa ergayga ku soo dhaweeyay booqashada uu ku yimid Somaliland isagoo intaas ku daray in mudada uu dalka ku sugan yahay uu la kulmi doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo madax ka tirsan Golayaasha qaranka .

Augustine Mahiga oo qolka nasashada ee Madaarka ugu waramayay Warbaahinta ayaa ujeedada socdaalkiisa ku tilmaamay sidii uu ugu kuurgali lahaa dhismaha dawladnimo iyo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta waxaanu sheegay inuu xukuumada Somaliland kala hadli doono qodobadii ka soo baxay shirkii London ee Somaliland ka qayb gashay.

Dr Mahiga waxa uu xusay sida ay lama huraanka u tahay in Somaliland laga barto horumarka kala gedisan ee ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo la weydiiyay in safarkiisani uu ku salaysan yahay kadib markii dawlada Somaliland ay qaadacday wada hadal ay la gasho Somalia oo ay sabab uga dhigtay Markii Madaxweynaha dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia uu gudidii farsamo ee uu magacaabay uu ku soo daray laba xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland waxa uu sheegay in qorshaha ay ugu jirto qodobkani isagoo intaas ku daray inaanay jirin fariin gaar ah oo uu Somaliland u sido.

Augustine Mahiga oo la weydiiyay cida ka shaqaynaysa go’aamada iyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia waxa uu xusay in hawshan dhexdhexaadinteeda iyo mas’uuliyadeedaba ay wadaan beesha caalamka,hasa yeeshee aanu wax lug ah ku lahayn jaangoynteeda Madaxweynaha Somalia Sh.Shariif Sh.Axmed.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories