HomeWakiilka Xawaaladda Mustaqbal ee Dalka Turkey-ga oo Tahriibayaal Somali ah ka Dhacay...

Wakiilka Xawaaladda Mustaqbal ee Dalka Turkey-ga oo Tahriibayaal Somali ah ka Dhacay lacag dhan $18,000 iyo Cabashada ka taagan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Istanbul (SLpost)- Tahriibayaasha somalida ah ee ku sugan Magaalada istambul ee Wadanka Turkey-ga ayaa dhibaatooyin xoogan ka Tirsanaya Shirkadda Xawaalada Mustaqbal gaar ahaa Wakiilkooda Dalkaasi turkey-ga Cabdirisaaq bashiir haaji Ahmed (Garaadka) oo kula kacay Falal Dhac iyo Budhcadnimo ah dadwayne Tiro badan.
Qaar ka mid ah Tahriibayaasha Somaliyeed ee Falalkan lagula kacay ayaa Shabakada Gabiley news uga Waramay Sababaha Keenay in Hantidooda la dhaco, waxaanay sheegeen in Dadka Tahriibayaasha ah Qoysaskoodu ku soo diraan lacagaha Xawaaladan isla markaana ay dadku Amaano ahaan ugu daystaan xawaalada ka dib marka ay wakiilka ula yimaadaan Heshiis ah in Lacagtaasi uu Account-yadooda ugu hayo cidda ay heshiiska wada sexeexdeena siiyo intii lagu heshiiyay marka ay gaadhaan Goobtii ay doonayeen.
Lagacaha loo Tirinayo Xawaaladan oo dhan $18500 oo ay $7500 oo ka mid ah leeyihiin Seddex Maxbuus oo ku xidhan Jeel ku yaala Wadanka Bulgaariya kuwaasi oo Ehelkoodu ugu soo direen si loyar loogu qabto ugu dooda Xoriyadooda.
“Qoyskayaga ayaa iigu soo diray Xawaaladan lacag gaadhaysa $3500, waxaan ku socday wadanka giriiga waxaa usheegay wakiilka Shirkada Mustaqbal ee Magaalada istambul in uu Mukhalaskii ii Tahriibinayay wadanka giriiga siiyo lacag dhan $1500 marka aan ka soo hadlo halkii aanu ku heshiinay oo ahayd Magaalada Atena ee Wadanka giriiga, markii uu Mukhlaskii utagay wuu siiyay lacagtii balse waxaa baaqi ii ahaa $2000 taasi oo aanu illaa hadda oo ay ka soo wareegtay 20 maalmood aanu ii soo dirin marka aan garaaco-na telefoonka iga xidhanayo ama igu jarayo, kaligay maaha dadka uu sidan oo kale u galay balse waxaanu ahayn illaa sagaal qof oo qofka ugu yar uu ka yahayo $800, waxaa iyaguna jira inamo ku xidhan jeel ku yaala wadanka bulgariya oo uu ka hayay lacago dhan $5000 kuwaasi oo markii la xidhay ee ay jeelka kala soo hadleen uu diiday in uu lacagtaasi u diro isla markaana numberkii telefoonkiisa u bedelay” Sidaa waxaa yidhi yuusuf Aadan oo ka mid ahaa Tahriibayaasha somalida ah ee Dhibaatadan ka tirsanaya Shirkadda Mustaqbal.
Ayaan Axmed oo ah Gabadh yar oo ka mid ah Dadka Wakiilka Xawaaladu lacagtooda ka haysto ayaa sheegtay in ay Shirkadda Magaceeda ku Aamineen Lacagtooda ka dibna Wakiilku Dafiray lacagtoodii markii ay wadankii ka tageen cid ka soo qaadaana aanay jirin.
Ayaan oo arintaasi ka hadlaysa ayaa waxa ay tidhi “$800 ayuu iga haystaa aniga, taasi oo baaqi iiga ahayd lacagtii la igu keenay wadankan kale ee maanta joogo, lacagta waxaan islahaa marka aad giriiga tagto ha kuu soo diro, wuxuu igu yidhi online-ka xawaalada ayaa iga xidhan, markii uu muddo na meermeerinayay, dad baanu udirnay, dadkiina markii danbe wuxuu ku yidhi waxba iguma laha, markaa walal way badanyihiin dadka uu lacagaha ka haysto ee kaligay maaha, markaa waanu ku khasbanahay inaanu ka samirno maadaama oo aanan awoodi karin in aanu kasoo qaadano hadda”
Sidoo kale Nuur Cabdi oo isaguna ka mid ahaa Dadkaasi oo Gabiley news Khadka Telefoonka ugu Waramay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa ” Walal ninkan xawaaladu wuxuu lacag badan ka dhacay dad somali ah oo aaminay xawaalada oo ubadan dhalinyaro ay ku jiraa seddex haween ah, kuwaasi oo uu in muddo ah hadda meermeerinayay, maalin walbana ku lahaa waan soo dirayaa illaa uu markii danbe dafiray, lacag gaadhaysa $18500 ayuu dhacay isla markaana Magaca shirkadda ku haystaa isaga oo ka saaray System-kii Online-ka lacagtiidan jeebkiisa ku shubtay, markaa waxaanu Baaq u diraynaa Maamulka Xawalaada in ay Hantidayada noo soo celiyaan oo ay Sharaftooda iyo magacooda illaashadaan”
Cabdirisaaq bashiir haaji Ahmed oo ah Wakiilka Shirkadan Mustaqbal ee Dalka Turkeyga gaar ahaan magaalada istambul oo hore wakiil ugu ahaa Shirkada Xawaalada Iftin ayaa marar hore lacago ku go’een xawaaladaasi isaga oo ku buuxin jiray lacagta dadku u dhiibtaan marka ay dib ugu doontaana halkaasi la isku qabsan jiray sida ay noo sheegeen Somalida ku dhaqan magaalada istambul, sidoo kale dadwaynaha ku dhaqan Magaaladan ayaa noo sheegay In Wakiilkani ka mid yahay Mukhalasiinta Dadka tahriibiya isla markaana u diro Goobo halis ah oo xuduudoodu adagtahay ka dib marka lagu xidho tahriibayaasha halkaasina uu lacagtooda lunsado.
Mr.Barkhad oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino eedaymaha ay ka tirsanayaa dadkan cabashada noo soo gubiyay ayaanay noo suurto galin in uu naga qabto telefoonkiisa gacanta marar badan oo aanu isku daynay inaan u la xidhiidhno si aanu wax uga waydiino arrimahaasi.

Maxamed Maandhaye

Istambul/Turkey

maandhaye@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories