HomeWakhtiga loo muddeeyey Is-casilaadda Shaqaalaha Dowladda ee Murashaxiinta ah oo dhammaaday iyo...

Wakhtiga loo muddeeyey Is-casilaadda Shaqaalaha Dowladda ee Murashaxiinta ah oo dhammaaday iyo Komishanka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeeyey in muddada sharcigu u banneeyey inay isku casilaan dadka shaqaalaha dowladda ah darajo kasta oo ay leeyihiin iyo saraakiisha ciidammada ee doonaya inay isku sharaxaan Golayaasha Wakiillada iyo degaannada ay ugu dambayso maanta oo taariikhdu tajhay 2-da bisha March 2021-ka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo arrintan lagaga hadlay ayaa u dhignaa sidan:-

“Sida aynu wada ognahay waxaa dalka ku soo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee labada gole ee Wakiilladda iyo deegaanka oo ku mudaysan 31-ka bisha may 2021.

Komiishanka doorashooyinka qaranku waxa uu faray Musharixiinta u taagan doorashooyinku inay banneeyaan shaqada ay ka hayaan hay’adaha qaranka.

Waxaa Xeerka guud ee doorashooyinku Xeer Lambar 91/2020 uu ku waajibinayaa shaqaalaha dawladda,Ciidamadda qaranka iyo hay’adaha dawliga ah darajo kasta oo ay yihiin in aan loo ogolayn inay isku sharaxaan doorashooyinka Wakiilladda iyo deegaanka hadii aanay shaqo ka tagis soo qorin 90 Cisho ka hor qabsoomidda doorashadda.

Sidaa daraadeed waxa uu Komiishanku ku wargalinayaa Cid kasta oo doonaysa inay ka qayb qaataan doorashadda gollaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee ku mudaysan 31-ka bisha May 2021 in Xiliga sharcigu u xadeeyay soo gudbinta is casiladoodu ay tahay ugu danbayn 02.03.2021 ( oo maanta ku beegan ) Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in shaqo ka tagistaas ay shardi u ah inuu qoraal ku soo cadeeyo, Xafiiska, Hay’adda ama cida awooda u lihi sida uu waajibinayo qodobka 90-aad ee xeer Lambar 91/2020.

Sidoo kale waxa uu Komiishanka doorashooyinka qaranku cadaynayaa inay reeban tahay in hantidda qaranka loo isticimaalo ololaha doorashooyinka sida ku cad qodobka 94-aad ee Xeer Lambar 91/2020.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories